Trump:-“Hoggaamiyaha Cusub ee Iiraan ayaa Hadda Naga Codsaday Xabbad-joojin.”

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxwaynaha Maraykanka Trump ayaa sheegay inuu Hogaamiyaha cusub ee Iran uu kasoo codsaday Xabad-joojin, Trump oo arintaasi ka hadlaya ayaa yiri:

“Hoggaamiyaha cusub ee Iiraan ayaa hadda naga codsaday xabbad-joojin. Arrintaas waan ka fiirsan doonaa marka marin-biyoodka Hormuz uu noqdo mid furan oo ammaan ah.Ilaa waqtigaas, waxaan sii wadi doonaa duqeynta Iiraan ilaa laga burburiyo.”

Ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan ayaa si deg deg ah uga jawaabay hadalkii Trump.

“Looma furi doono cadowgeena inay maraan marin-biyoodka Hormuz… inta uu Trump hadallada macno darrada ah ku hadlayo.”

Dhinaca kale Ciidamada Ilaalada kacaanka Iran ayaa sheegay in markab shidaal oo ay ku beegsadeen gacanka Khaliijka uu ahaa mid ay leedahay Israel.

Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sidoo kale waxay sheegeen in marin biyoodka Hormuz aan loo furi doonin “cadowga”.

,arinkan ayaa xuddun u noqday dagaalka mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen IIraan.