Trump ayaa sheegay in Iiraan ay haysato 48 saac oo kaliya, hadii ay mudada yar ku furi waydo marinka Hormus ama ay heshiis ku gali waydo wuxuu ku Hanjabay inuu furi doono albaabada jaxiima.
Trump wuxuu sheegay in mudadii tobanka maalmood ahayd ee uu Iiraan u qabtay iney ka dhiman tahay 48 saac oo kaliya.
Qoraal uu soo dhigay Truth Social, wuxuu ku qoray: “Xasuuso markii aan Iiraan siiyay toban maalmood si ay Heshiis u gaaraan ama u furaan MARINKA HORMUZ. Waqtigu waa dhammaanayaa.”
“48 saacadood ka hor intaan Cadaab oo dhammi ku soo degin iyaga. Sharaf Alle baa leh! Madaxweyne DONALD J. TRUMP.”
Waxaa istaagay dadaaladii diblomaasiyadeed ee Pakistan ay waday ee lagu doodanayay in lagu dhexdhexaadiyo Iiraan iyo Mareykanka.
Sida ay ku warantay NYT Iiraan ayaa diiday iney aqbasho dhamaan dalabaadka Mareykanka, sidoo kale waxay Iiraan diiday in la kulanto masuuliyiinta Mareykanka ee ku sugan Pakistan.
Ciidamada qalabka sida ee Jordan ayaa sheegay in Iiraan ay dalkaas ku beegsatay 281 weerar tan iyo markii uu dagaalku billowday, kuwaas oo isugu jira 161 gantaal iyo 120 drone.
War ka soo baxay ciidamada, oo ay baahisay wakaaladda Petra, ayaa lagu sheegay in inta badan weerarradaasi la fashiliyey, iyadoo la qabtay dhammaan marka laga reebo 20 ka mid ah.
Ciidamada Jordan ayaa sidoo kale xusay in weerarradan si toos ah loogu beegsaday goobo muhiim ah oo ku yaalla gudaha dalka, isla markaana ayna ahayn kuwo si khalad ah u dhacay.
Arrintan ayaa muujinaysa sii kordhaya xiisadda gobolka iyo saameynta uu dagaalku ku yeeshay dalalka deriska la ah Iiraan.