Trump: “Markaa Meel Saaro Iiraan, Waxa aan ku Jeesan-doonaa dalka Cuba Oo ah Dal Fashilmay.”

by Heemaaln
1 minutes read

Madaxwayne Trump ayaa weerar afka ku qaaday dalka Cuba oo uu ku tilmaamay dal fashilmay waxuuna yiri: “Cuba waa dal fashilmay, waxaana laga yaabaa inaan u jeesanno kadib marka aan ka dhammaano Iiraan.”

Hadda waa inaan fahanaa , sababta uu Trump ugu celceliyo Soomaaliya inay tahay dal fashilmay, ma aha wax iska caadi ah iyo dhaleeceyn wax loo arki karo, sababtoo ah waxaa suragal ah meesha xigta Cuba inay tahay Soomaaliya.

Dhanka kale warbaahinta Maraykanka ayaa su’aalo Trump ka weydiiyay suurtagalnimada wada-hadallo dambe oo dhexmara Mareykanka iyo Iran, ka dib markii ay ergooyinkoodu ku guuldareysteen inay heshiis ku gaaraan dalka Pakistan dhammaadkii toddobaadka.

“Waxay si aad u weyn u rabaan inay heshiis gaaraan.”

“Iran ma yeelan doonto hub nukliyeer ah,” ayuu yiri, waana arrinta weli ah caqabadda ugu weyn ee u dhaxaysa labada dhinac.

“Waxyaabo badan ayaan ku heshiinnay, laakiin arrintaas kuma aynan heshiin.”

Balse wuxuu sheegay in “hubaal” in Iiraayniyiintu ugu dambeyntii oggolaan doonaan. “Haddii aysan oggolaan, heshiis ma jiro,” ayuu yiri Trump.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.