Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa gordhawed Aqalka Cad ku qaabilay dhiggiisa Kolombiya, Gustavo Petro, kadib Markii bilihii u denbeeyay ay is-dhaafsanayeen hadallo kulul oo dhinaca ganacsiga ah.
Petro waxaa soo dhaweeyay Trump, kaas oo ku wareejiyay qayb ka mid ah Aqalka Cad oo ay ku yaallaan sawirrada madaxweynayaashii hore.
Labada hoggaamiye ayaa kulan ku yeeshay Xafiiska Oval-ka, waxaana kulankaas goob-joog ka ahaa wafdi sare oo ka socday Kolombiya iyo xoghayayaal ka tirsan golaha wasiirrada Maraykanka. Madaxweyne-ku-xigeenka Maraykanka, JD Vance, ayaa isna kulanka ka qeyb galay.
Si ka duwan kulamo badan oo lala yeesho hoggaamiyeyaasha shisheeye, kulankan wuxuu ahaa mid si weyn loo sugayay, iyadoon fursad la siinin wariyaasha in ay su’aalo waydiiyaan.
