Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa kordhiyay muddo hal sano ah xaaladda degdegga ah ee Mareykanka la xiriirta Soomaaliya, taas oo markii hore la soo rogay sanadkii 2010. Go’aankan ayaa ka dhigaya in tallaabadaasi sii jirto wixii ka dambeeya 12-ka Abriil 2026.
Xaaladda degdegga ah ayaa markii ugu horreysay lagu dhawaaqay 12-kii Abriil 2010, iyada oo loo marayo amar madaxweyne (Executive Order 13536) oo uu saxiixay madaxweynihii xilligaas Barack Obama.
Amarkaasi wuxuu dejiyay tallaabooyin lagu wajahayo waxa lagu tilmaamay “xasillooni darrada Soomaaliya,” oo ay ka mid ahaayeen xayiraadda hantida shakhsiyaad iyo hay’ado lagu eedeeyay rabshado, burcad-badeednimo, carqaladeynta gargaarka bani’aadannimo, iyo bixinta hub ama taageero la xiriirta falalkaas. Sidoo kale, waxaa la mamnuucay macaamil maaliyadeed oo lala yeesho dadka iyo kooxaha la bartilmaameedsaday, iyo isku day kasta oo lagu hareer marayo xayiraadahaas.
Waqtigaas, maamulka Obama wuxuu ku dooday in xaaladda Soomaaliya ay halis weyn ku tahay amniga qaranka iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka, iyadoo tallaabooyin dheeraad ah oo la kordhiyay la hirgeliyay sanadkii 2012.
Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli xasaasi ah oo ay Soomaaliya wajahaysa dhibaatooyin is-biirsaday, oo ay ka mid yihiin dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo khilaaf siyaasadeed oo gudaha ah. Tan iyo markii uu talada qabtay madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, dowladda federaalka waxay bilowday guluf militari oo ballaaran oo markii hore guulo laga gaaray.
Dowladdu, iyadoo kaashaneysa dadka deeganka, ayaa dib ula wareegtay deegaanno muhiim ah, gaar ahaan gobollada Hirshabelle iyo Galmudug. Si kastaba, horumarkaasi ma sii waarin, iyadoo Al-Shabaab ay dib isu abaabushay oo ay qaaday weerarro rogaal celis ah, kuna guuleysatay inay dib u qabsato magaalooyin istiraatiiji ah.
Guuldarrooyinka militari ayaa barbar socday khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, kaas oo socday in ka badan laba sano. Khilaafka ayaa inta badan ka dhashay muran ku saabsan dib-u-eegista dastuurka iyo isbeddelada uu sameeyay maamulka talada haya.

