Trump ayaa u sheegay Fox News , inay ku jiraan wada-hadallo kulul oo la xiriira dagaalka Iiraan , isagoo yiri; “Wax faahfaahin ah hadda ma bixin karo, sababtoo ah waxaan ku jirnaa wadahadallo xasaasi ah oo weli socda.”
Trump wuxuu sidoo kale sheegay inuu dhowaan heli doono warbixin dhammaystiran oo ku saabsan soo jeedin xabbad-joojin laba toddobaad ah oo uu soo bandhigay Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif,iyadoo Trump uu ku sheegay ra’iisul wasaaraha Pakistan inuu yahay nin weyn oo laga qaddariyo meel kasta.
Trump ayaa sidoo kale wuxuu NBC u sheegay iney sharci daro buuxda tahay oo Iiraan aan loo ogoleyn iney dadka rayidka ah u adeegsato gabaad oo ay ku warreejiso warshadaha korontada.
Trump wuxuu yidhi “Iiraan looma ogola iney sidaas sameyso.”
CNN , ayaa sidoo kale Aqalka Cad ka soo xigtay inay dib u eegis ku wadaan soo jeedinta Pakistan, isla markaana ay jawaab ka bixin doonaan.
Dhinaca kale Iran ayaa Ruushka iyo china uga mahadcelisay codkii fiitowga ahaa ee ay ku diideen in la meelmariyo qaraarkii lagu furi lahaa biyo mariinka Hurmoz oo ay UN-ka hor keeneen wadamada carabta.
Ruushka iyo China ayaa maanta codka fiitowga ah kaga soo horjeestay qareer lagu furi lahaa biyo mariinka Hurmoz oo Iran ay xirtay tan iyo weerarkii Israel iyo maraykanka ay ku qaadeen dalkaasi.

