Trump oo Jeediyey khudbad Qaran Oo Shacabka Maraykanka Aanay Ku Qancin

by Heemaal
2 minutes read
A+A-
Reset

HNN. Khudbad telefishan oo uu u jeediyay qaranka, Donald Trump wuxuu sheegay in hadafyada dagaalka ee Maraykanka ee Iran ay ku dhow yihiin in la gaaro.

Madaxweynaha ayaa qiyaasay in dagaalku ku dhammaan karo laba ilaa saddex toddobaad gudahood.

Caawa waxaan ku faraxsanahay inaan sheego in hadafyadan istiraatiijiga ah ay ku dhow yihiin dhammaystir, ayuu yiri Trump. Waxaan dhammayn doonaa shaqada si aad u degdeg ah. Aad ayaan ugu dhow nahay, ayuu sii raaciyay.

Madaxweyne Donald Trump ayaa subaxnimadii Khamiista ee wakhtiga Soomaaliya jeediyay khudbaddiisii ugu horreysay ee qaran tan iyo markii dagaalka Iran uu billowday in ka badan bil ka hor. Wuxuu difaacay howlgalada Maraykanka wuxuuna ballan qaaday inuu “dhammayn doono shaqada”, sida ay sheegtay.

Afartii toddobaad ee la soo dhaafay, ciidamadeenna hubeysan waxay gaareen guulo degdeg ah, oo leh go’aan xooggan oo ka dhacay goobaha dagaalka, ayuu yiri Trump.

Iran hadda ma aha halis weyn, ayuu madaxweynuhu sheegay intii lagu jiray khudbadda. Isla markaana wuxuu ku hanjabay i sii wadi doono weerarro culus.

Waxaan si aad u adag u weerari doonnaa labada ilaa saddexda toddobaad ee soo socda. Waxaan dib ugu celin doonnaa xilligii dhagaxa (stone age), halkaas oo ay ku habboon yihiin, ayuu yiri Trump.

Dagaalku wuxuu socday shan toddobaad, wuxuuna noqday mid aan laga jeclayn dadka Maraykanka. Trump wuxuu wajahayaa hoos u dhac taageero iyo cadaadis kaga imanaya xulafadiisa si uu u bixiyo fariimo cad oo ku saabsan dagaalka, isaga oo lagu eedaynaayo in dalka galiyey dagaal uu ku raali galinayo Natanyahu.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Maraykanku burburiyay ciidamada badda iyo cirka ee Iran, sidoo kale uu curyaamiyay barnaamijyadeeda gantaallada ballistic-ga ah iyo nukliyeerka. Wuxuu intaas ku daray in Maraykanku sii wadi doono weerarrada bartilmaameedyada Iran laba ilaa saddexda toddobaad ee soo socda.

Trump wuxuu sidoo kale ka hadlay qiimaha shidaalka oo sare u kacaya, kaas oo walaac ku haya dad badan oo Maraykan ah.

Kordhka muddada gaaban ah waxay si buuxda uga dhalatay weerarro argagixiso oo waalli ah oo ay dowladda Iran ku qaaday maraakiibta shidaalka ee ganacsiga ee ka imanaya dalal la deris ah oo aan wax xiriir ah la lahayn khilaafka, ayuu yiri.

Madaxweynuhu wuxuu ballan qaaday in qiimuhu hoos u dhici doono mar kale, balse ma uusan bixin jadwal cad oo ku saabsan dhammaadka dagaalka.

Mas’uuliyiinta Iran ayaa diiday sheegashooyinka Trump ee ku saabsan xabbad-joojin. Wasiirka arrimaha dibadda, Abbas Araghchi, ayaa u sheegay Al Jazeera in Iran ay diyaar u tahay inay sii waddo dagaalka.

Kulama hadli kartid dadka Iran luqadda hanjabaadaha iyo amarada, ayuu yiri Araghchi, sida ay sheegtay France 24.

Khudbadda Trump uma muuqan mid qancisay suuqa shidaalka iyo shacabka Maraykanka.  Markii khudbadda la dhammeeyay kadib, qiimaha shidaalka ayaa kordhay 4% ilaa 105.55 dollar halkii foosto habeenkii Khamiista. Saliidda khafiifka ah ee Maraykanka ayaa korodhay 3% ilaa 103.16 dollar halkii foosto.

Heemaal News Network