Trump Oo ka Fiirsanaya Inuu Ciidamada Maraykanka ka Saaro Yurub.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sida ay ku warrantay Reuters, wuxuu Trump si dhab ah uga fiirsanayaa inuu ciidamada Mareykanka ka saaro Yurub, tallaabo lagu sheegay inay qayb ka tahay waa qorshayaal uu diyaarinayo maamulka Trump.

Sidoo kale, Aqalka Cad ayaa sheegay in Trump uu xitaa ka fikirayo inuu si buuxda uga baxo isbahaysiga NATO.

Hadda waxaa Yurub ku sugan in ka badan 80,000 askari oo Mareykan ah, kuwaas oo ay dalalka Yurub u arkaan inay yihiin dammaanad amni (security guarantee).

Illaa hadda Trump, wuxuu ka caraysanyahay dalalka Yurub inay dhabarka u jeediyeen inta uu socdo dagaalka Iiraan.

Khuburo Mareykan iyo Yurub ayaa qiray inay NATO soo gaartay marxalad aan taariikhda oo dhan soomarin oo ay ku dhowdahay inay burburto, sabab la xiriirta suragalnimada sare ee Trump uu ku doonayo Mareykanka inuu ka saaro NATO.

Sida ay werisey Al Jazeera, khilaafka Mareykanka iyo reer Yurub ayaa gaaray heer aan horay loo arag, ka dib markii dalalka Yurub ay diideen inay ku biiraan dagaalka Iiraan, taas oo Trump aad uga carooday