25 Qof Oo ku Dhaawacmay Weerarro ka dhacay Israa’iil Iyo Garoonka Diyaaradaha Kuweyd Oo Gubanaya

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhaawacmay weerarro ka dhacay gudaha Israa’iil subaxnimadii maanta, sida ay sheegayaan warbixinno hordhac ah.

Weerarradan ayaa la sheegay inay ka dhaceen ku dhowaad 20 goobood oo kala duwan oo ku yaalla israa’iil.

Sidoo kale,dhaawacyada qaar ayaa xaaladooda ay halis tahay sida dad ku dhaawacmay magaalada Bnei Brak ayaa la sheegay in xaaladdoodu ay aad u liidato (critical), sida ay wararku tilmaamayaan.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarrada iyo khasaaraha ka dhashay weli waa la sugayaa.

Sidoo kale Garoonka diyaaradaha ugu weyn dalka Kuwait ayaa maanta gubanaya, markii la sheegay weerar ka yimid Iiraan in lagu qarxiyay qaybta haamaha shidaalka ee garoonka, iyadoo weerarka uu dhaliyay dab xooggan oo qabsaday qaybo ka mid ah garoonka, balse lama soo werin wax khasaare nafeed ah.

Warbaahinta Al jazeera oo soo xiganaysa Warbixin ay soo saartay Haayadda UNDP ayaa sheegtay in khasaare maaliyadeed oo aad u balaadhan u soo gaadhay waddamada Carabta kaas oo ka dhashay dagaalka Iran.

In ka badan 194 Bilyan oo Dollar ayay wadamadani khasaareeen intii dagaalka lagu jirey waana dhaqaale darradii ugu xumayd ee waddamadan soo wajahda muddooyinkii u dambeeyey.

Warbixinta ayaa xustay in ay adkaan doonto soo kabasho ay dalalkani sameeyaan maaddama oo xaalku uu yahay mid gaadhey meeshii ugu xumayd.