Trump ayaa waxyar ka hor ku dhawaaqay inuu Mareykanku heshiis ganacsi la galay Hindiya, kaddib wadahadal uu telefoonka kula yeeshay Ra’iisul wasaaraha Hindiya, Narendra Modi.
Wadahadalkan ayuu Trump ku sheegay inay Hindiya oggolaatay joojinta shidaalka ay ka iibsato Ruushka, taa beddelkeedana waxay Hindiya iibsan doontaa shidaalka uu gacanta ku dhigay Mareykanka ee dalka Venezuela, tallaabo uu Trump ku sheegay inay meesha ka saarayso dhaqaalaha uu Ruushka ku maalgeliyo dagaalka Ukraine.
Sidoo kale , wuxuu Trump , shaaca ka qaaday in hoos loo dhigay canshuurta la saaray badeecadaha Hindiya oo 25% markii hore ahaa oo hoos loo dhigay heer 18%, halka Hindiya ay meesha ka saartay canshuurtii ay saartay badeecadaha Mareykanka.
