Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa waxyar ka hor ku dhawaaqay in Mareykanka uu qaadi doono tallaabo militari oo adag, kuna wajahan kooxo uu ugu yeeray burcad-badeedda Soomaaliya .
Trump wuxuu sheegay in ciidanka Mareykanku ay gantaallo ku weerari doonaan oo dili doonaan cid kasta oo lagu tuhmo burcad-badeednimo, xitaa haddii aysan weerar ku qaadin maraakiib Mareykan ah.
Isagoo hadalkiisa sii adkaynaya, wuxuu caddeeyay in haddii qof ama doon u dhaqaaqdo dhanka markab, la beegsan doono isla markiiba, xitaa haddii markabkaasi uusan ahayn mid Mareykan leeyahay. Sida uu hadalka u dhigay, “Qofkii isku dayo inuu u dhaqaaqo dhanka markab, wuxuu la kulmi doonaa ciqaabta ugu dambeysa.”
Trump ayaa sidoo kale sheegay in burcad-badeedda Soomaaliya lagu daray liis la mid ah midka lagu beegsado kooxaha daroogada ka ganacsada, isagoo yiri: “Waxay wajihi doonaan isla gantaalladii aan u isticmaalno burcad-daroogada. Way og yihiin waxa sugaya.”
Hadalladaas intii uu jeedinayay, Trump wuxuu si gef iyo yasid leh u yiri: “Soomaaliya, runtii xitaa ma aqaan… ma aha dal,” hadal si cad u muujinaya aragti halis ah oo ku wajahan jiritaanka iyo. madaxbannaanida Soomaaliya.
Falanqeyn
Inkasta oo burcad-badeedda Soomaaliyeed aysan hadda si firfircoon uga howlgalin xeebaha dalka, haddana hadallada Trump waxay muujinayaan isbeddel halis ah oo ka yimid hanjabaad hadal ah una guuraya ficil militari. Arrintan waxay xusuusinaysaa qaabka Mareykanku ula dhaqmay Venezuela, halkaas oo lagu marmarsiyooday daroogo iyo amni, balse ugu dambeyn lagu soo rogay cunaqabatayn, go’doomin badeed iyo cadaadis militari illaa uu Mareykanka la wareegay maamulka dalkaa, markii la soo afduubay madaxweynihii talada hayay.
Haddii Soomaaliya lagu dabaqo qaab la mid ah Venezuela, waxaa suuragal ah:
•In xeebaha Soomaaliya lagu kordhiyo kormeer militari oo shisheeye.
•In la beegsado doonyo si qalad ah loo tuhmo.
•In la wiiqo sumcadda iyo madaxbannaanida badda Soomaaliya.
Khatarta Kalluumaysatada;
Kalluumaysatada Soomaaliyeed ayaa halis toos ah wajihi kara, maadaama:
•Doonyahooda yaryar si fudud loogu khaldi karo burcad-badeed.
•Dhaqdhaqaaq kasta oo badeed lagu fasiri karo “u-dhawaansho markab”
Tani waxay si gaar ah u khatar gelinaysaa nolosha iyo dhaqaalaha kumannaan qoys oo ku tiirsan kalluumaysiga.
Waxaa jira arrin kale oo ay tahay in la xuso, waa loollanka caalamiga ah ee Soomaaliya dhexda uga jirto;
Hadallada Trump ee ku wajahan Soomaaliya laguma eegi karo oo kaliya dhinac amni ama burcad-badeed. Marka si qoto dheer loo falanqeeyo, waxay u muuqdaan qeyb ka mid ah loollan istaraatiiji ah oo caalami ah, kaas oo si gaar ah ula xiriira kheyraadka dabiiciga ah iyo booska juqraafiyeed ee Soomaaliya.
Soomaaliya sanadihii u dambeeyay waxay gashay heshiisyo waaweyn oo istaraatiiji ah oo ay la saxiixatay Turkiga, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
•Soo saarista shidaalka iyo gaaska
•Maareynta iyo horumarinta kalluumaysiga
•Iskaashi amni iyo milatari oo sii xoogeysanaya
Heshiisyadan ayaa si cad u muujinaya in Soomaaliya ay u leexanayso ku-tiirsanaanta Turkiga oo hadda noqday saaxiib istaraatiiji ah oo toos ah uga shaqeeya badda, berriga iyo hawada Soomaaliya, taa beddelkeeda Mareykanka muddo dheer wuxuu Soomaaliya u arkayay goob amni, balse ma ahayn goob dhaqaale oo si toos ah uu uga faa’iideysto, wuxuuna u arkaa mid aan la aqbali karin in khayraad uu u arkayay kaydkiisa si fudud Turkiga ama dhinac kale inay Soomaaliya ku wareejiyo , maaddama muddo dheer uu maalgelin iyo taageerro kale siinayay Soomaaliya , xaalad markii lagu daro sida Israa’iil ay khatar istaraatiji ah ugu aragto saameynta Turkiga ee Soomaaliya , waxay si dhab ah u muujinayaan in Mareykanka uu soo faragelin karo xaaladda Soomaaliya.
Maxaa la gudboon dawladda Soomaaliya ?
Muddo dheer oo ay aamusnaan dooratay Dawladda Soomaaliya ,markan marxalad hadal ka gudubtay oo hanjabaad gaartay ayay ka wajahaysa Trump, sidaa darteed waa lama huraan waqtigan in ;
•Si rasmi ah Soomaaliya uga jawaabto hadallada Trump, kana difaacdo sharafka, jiritaanka iyo madaxbannaanida dalka.
•La xiriirto Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo caddeeyo in burcad-badeeddu aysan ahayn dhibaato hadda jirta.
•Adkeyso diiwaangelinta iyo aqoonsiga doonyaha kalluumaysiga, si looga hortago khalad militari.
•Dalbato dammaanad caalami ah oo ilaalinaysa kalluumaysatada iyo biyaha Soomaaliya.
•Si cad u muujiso in Soomaaliya aysan aqbalayn in lagu dabaqo xaalad la mid ah Venezuela, taas oo dhaawacaysa madaxbannaanida qaran.
Haddii aan si taxaddar leh oo degdeg ah loo wajahinin hadalladan, waxaa jirta khatar ah in Soomaaliya lagu jiido mashruuc amni oo shisheeye, laguna marmarsiyoodo burcad-badeed magac ahaan jirta, balse aan si dhab ah u howlgalin. Tani waxay halis gelin kartaa badda, kalluumaysatada, iyo guud ahaan madaxbannaanida Soomaaliya.