Madaxweyne Donald Trump ayaa mar kale ku adkaystay in Greenland ay tahay inay noqoto qayb ka mid ah Maraykanka, wuxuuna ku hanjabay isticmaalka awood ciidan haddii uu ku gaadhi waayo waxa uu doonayo.
Wax baan ka samayn doonnaa Greenland, ha naga raalli noqdaan ama yaanay noqon. Haddii aanan annagu samayn, Ruush ama Shiinaha ayaa la wareegi doona Greenland, mana doonayno in Ruush ama Shiinaha ay deris nala noqdaan. Hagaag? ayuu Trump yidhi sida uu sheegay Sky News, isaga oo sii raaciyay:
Waxaan jeclaan lahaa inaan heshiis ka gaarno, taasina waa waddada ugu fudud. Laakiin haddii aanan ku gaadhin jidka fudud, waxaan mari doonnaa jidka adag. Waa inaan annagu lahaannaa, ayuu Trump ku yidhi kulan uu kula yeeshay madaxda shirkadaha shidaalka Aqalka Cad.
Trump waxa kale oo uu sheegay in xakamaynta Maraykanka ee Greenland ay aad muhiim ugu tahay amniga qaranka ee Maraykanka, isaga oo tixraacay waxa uu ku tilmaamay dhaqdhaqaaq ciidan oo sii kordhaya oo ay Ruushka iyo Shiinuhu ka wadaan gobolka Arctic-ga.
Ma doonayaan inay noqdaan Maraykan

Hoggaamiyeyaasha xisbiyada Greenland ayaa si adag uga jawaabay hadallada Trump.
“Ma doonayno inaan noqono Maraykan,” ayay ku qoreen bayaan wadajir ah.
Dhammaan hoggaamiyeyaasha xisbiyada baarlamaanka Greenland ayaa si wadajir ah u soo saaray bayaan ay kaga soo horjeedaan Maraykanka kaddib hadalladii Donald Trump ee ku saabsanaa Greenland.
Annaga oo ah hoggaamiyeyaasha Greenland, waxaan mar kale adkaynaynaa rabitaankayaga ah in ixtiraam-darrada Maraykanku u hayo dalkeenna ay istaagto, ayay ku qoreen, bayaan ay soo saareen, sida ay werisay Idaacadda Denmark (DR).
Bayaanka ayaa cinwaankiisu ahaa “Waxaan u wada taaganahay hal qaran”, waxaana saxeexay dhammaan xisbiyada ku jira baarlamaanka Greenland ee Inatsisartut.
Ma doonayno inaan noqono Maraykan, mana doonayno inaan noqono Danish, waxaan doonaynaa inaan noqono Greenlanders, ayay hadalka sii raaciyeen.
Ra’iisul Wasaaraha Greenland, Jens-Frederik Nielsen, ayaa adkeeyay in mustaqbalka Greenland ay go’aamin doonaan dadka Greenland laftoodu.
Isla markaana, hoggaamiyeyaasha xisbiyadu waxay u fureen albaabka wada-shaqayn sii socota oo lala yeesho Maraykanka iyo dalalka reer galbeedka, balse kaliya iyadoo lagu salaynayo diblomaasiyad iyo mabaadi’da caalamiga ah.
Tani waa jidka hore loogu socdo ee saaxiibbada iyo xulafada, ayay qoreen.
Bayaankan ayaa la soo saaray ka hor hadalladii Donald Trump ee ku saabsanaa lahaanshaha Greenland oo uu jeediyay fiidnimadii Jimcaha.
Have any thoughts?
Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

