Trump oo ku Hanjabaya in uu Ciidamo Dheeri ah u Dirayo Minneapolis.

by Heemaal
2 minutes read
A+A-
Reset

ilaa 1,500 askari oo Mareykan ah ayaa diyaar u ah in loo diro magaalada Minneapolis, sida uu CBS News u sheegay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Difaaca Mareykanka, oo ah la-hawlgalaha BBC-da Mareykanka. Askartani waxay haatan ku sugan yihiin Alaska, waxaana la diri karaa haddii Madaxweyne Donald Trump go’aansado inuu isticmaalo milatariga firfircoon si loo xakameeyo dibadbaxyada ka dhanka ah Socdaalka iyo Dhaqangelinta Kastamka (ICE), oo ka sii socda magaalada tan iyo Sabtidii shalay.

Sarkaalka ayaa sheegay in wali aan la gaarin go’aan rasmi ah oo ku saabsan in askarta laga soo daad gureeyo Alaska iyo in kale. Askarta la diyaariyey ayaa ka tirsan cutubyada firfircoon ee diyaar u ah hawlgallada gudaha, waxaana loo arkaa inay ka jawaabi karaan xaaladaha degdegga ah ee nabad ilaalinta.

Dibadbaxyadan ayaa ka dhashay kadib markii sarkaal ka tirsan ICE uu toogtay oo dilay Renee Good, muwaadin Mareykan ah, horraantii bishan Janaayo. Dhacdadan ayaa dhalisay cambaareyn ballaaran iyo mudaaharaadyo maalinle ah oo ka socda magaalada, iyada oo dadka mudaaharaadayaasha ah ay codsanayaan caddaalad iyo xisaabtan.

Saraakiisha Minnesota ayaa ku boorriyay dadka mudaaharaadayaasha ah inay ku sii joogaan si nabad ah, iyaga oo hoosta ka xariiqay muhiimadda nabadda inta uu socdo kacdoonka. Sidoo kale, maamulka gobolka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan ciidamada federaalka si loo xakameeyo xaaladda, iyada oo la ilaalinayo xuquuqda dadka sharciga u haysata dibadbaxyada nabdoon.

Tallaabadan ayaa abuurtay xiisad siyaasadeed oo gudaha iyo dibadda ah, iyadoo Madaxweynaha Trump uu horay u hanjabay in uu dhaqan gelin karo Insurrection Act, sharciga u oggolaanaya in milatariga gudaha lagu deploy gareeyo haddii maamulka gobolka uu ku guuldareysto in uu xakameeyo rabshadaha.

Warar kale ayaa sheegaya in saraakiisha gobolka iyo kuwa federaalka ay ka wada shaqeynayaan qorshayaasha amniga iyo xakamaynta rabshadaha, iyaga oo diiradda saaraya nabad-gelyada dadka rayidka ah iyo ilaalinta hantida dadweynaha.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.