Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay inuu bedelay Xoghayaha Amniga Gudaha, Kristi Noem.
Waxaa xilkaas loo magacaabay Markwayne Mullin oo ah Senator laga soo doorto gobolka Oklahoma. Mullin ayaa la filayaa inuu xafiiska la wareego dhammaadka bisha Maarso ee sannadkan, isagoo hoggaamin doona amniga gudaha Maraykanka.