20
Sida ay baahiyeen CNN iyo Fox news madaxweyne Trump ayaa shaqada ka caydhiyey xeer ilaaliyihii guud ee dalka Maraykanka Pam Bondi oo ahayd ruuxii gacanta ku hayey faylasha fadeexadda xambaarsanaa ee Jeffrey Epstein.
Trump oo ka cadhaysan sida ay haweenaydaasi u maamuushay arrimihii Epstein oo uu qayb ka ahaa ayaa go’aansaday in uu shaqada ka eryo maaddama oo ay baahisay xogo Trump ku wajahan iyo macluumad la xidhiidha qaybtii uu ku lahaa fadeexadda Epstein.
Masuulkan Maraykanka hoggaaminaya ayaa dedaal ugu jira in uu tallaabo ka qaado cid kasta oo soo bandhigta qaybtii uu ku lahaa fadeexadda Epstein.