“Waxaan oggolahay in la joojiyo duqeymaha iyo weerarrada ka dhanka ah Iiraan muddo laba toddobaad ah.
Tani waxay noqon doontaa xabbad-joojin labada dhinac ah. Sababta aan tan u sameynay waa inaan hore u gaarnay, xitaa ka gudubnay, dhammaan yoolalkii militari, isla markaana aan aad ugu dhow nahay heshiis cad oo ku saabsan nabad waarta oo lala gaaro Iiraan iyo guud ahaan Bariga Dhexe.
Waxaan helnay qorshe ka kooban 10 qodob oo ka yimid Iiraan, waxaana u aragnaa saldhig fiican oo lagu bilaabi karo wadahadal.
Inta badan arrimihii hore muranka uga jiray, horey ayaa la isku afgartay Mareykanka iyo Iiraan, balse labada toddobaad waxay fursad siinayaan in heshiiska la dhameystiro oo si rasmi ah loo saxiixo.
Anigoo matalaya Mareykanka, iyo sidoo kale dalalka Bariga Dhexe, sharaf ayay ii tahay in arrintan oo muddo dheer taagnayd ay hadda ku dhowdahay xal.”
Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Abbas Araghchi ayaa hadda sheegay inay Iiraan tixgelin doonto xabbad-joojinta labada toddobaad, haddii aysan wax weerar ah la kulmin, halka uu xaqiijiyay marin-biyood Hormuz in la furi doono muddadaa oo maraakiibta maraysa ay u baahanyihiin inay xiriir la soo sameeyaan ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan, si ay nabad-galyo uga gudbaan marinkan.
iraan ayaa hadda weerar gantaallo ah ku qaaday !sraa’iil daqiiqo ka dib markii Trump uu sheegay inuu hakiyay muddo 2 toddobaad ah duqeynta ka dhanka ah I!raan si loo gaaro heshiis buuxa.

