Trump oo Sheegay in Ciidamadiisu sii Joogi doonaan Bariga dhexe ilaa Heshiis Laga Gaaro

by Heemaaln
3 minutes read
A+A-
Reset

Trump ayaa qorsheynaya inuu sii wado fududeynta cunaqabateynta saaran shidaalka Ruushka oo hadda si aan shuruud lahayn lagu iibsan karo, si la mid ah shidaalka Iiraan ayaa la fududeynaya inuusan la kulmin cunaqabateyn si looga hortaggo inay dunidda wajahdo shidaal yari iyo qiimo koror ku yimaada shidaalka, sida ay werisey Semafor.

Sidii kale Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka, ayaa fariin culus oo si weyn u hadal haysa ku baahiyay bartiisa Truth Social, taas oo si toos ah fariin adag ugu dirtay dowladda Iran.

Trump ayaa si cad uga digay in haddii aan si buuxda loo fulin waxa uu ugu yeeray “HESHIISKA DHABTA AH”, ay bilaaban doonto tallaabo milatari oo uu ku tilmaamay mid ka weyn, ka xoog badan, isla markaana ka halis badan wax kasta oo hore loo arkay. Hadalkan ayaa si degdeg ah u kiciyay dareenka caalamka, maadaama uu tilmaamayo in xaaladdu mar kale u janjeeri karto dhinaca dagaal toos ah, halkii ay ka ahaan lahayd wadaxaajood iyo diblomaasiyad.

Wuxuu sheegay in dhammaan awoodda milatari ee Mareykanka, maraakiib dagaal, diyaarado casri ah, iyo kumannaan askari oo wata hubkii ugu horumarsanaa, ay si buuxda ugu sugan yihiin agagaarka Iran, islamarkaana diyaar u yihiin inay qaadaan weerar degdeg ah haddii loo baahdo. Hadalkan wuxuu muujinayaa in Mareykanku horey u diyaariyay qorshe kasta oo suuragal ah, isla markaana uusan doonaynin in wax fursad ah la siiyo xaalad jahawareer ah ama dib u dhac ku yimaada fulinta heshiis kasta oo la isla gaaro.

Trump wuxuu intaas ku daray in ciidamadu aysan dib uga laaban doonin gobolka ilaa heshiiska la sheegay si buuxda loo hirgeliyo. Haddii taas la waayo, ayuu yiri, “xabbaddu way bilaabaneysaa”, taas oo uu ku tilmaamay mid aan horey loo arag xooggeeda iyo saameynteeda, isagoo si dadban u tilmaamay in jawaabta Mareykanka ay noqon doonto mid aad u culus oo aan la qiyaasi karin.

Wuxuu sidoo kale si gaar ah u xusay muhiimadda Strait of Hormuz, isagoo cadeeyay in Mareykanku dammaanad qaadayo in marinkaasi uu ahaado mid furan oo ammaan ah. Marinkan ayaa ah halbowlaha ugu muhiimsan ee maraakiibta shidaalka adduunka, waxaana xannibaaddiisu keeni kartaa dhibaato dhaqaale oo baahsan, kor u kaca qiimaha shidaalka, iyo jahawareer ku yimaada suuqyada caalamiga ah.

Inkasta oo ay jiraan warar is khilaafsan oo ku saabsan xabad joojintii labada toddobaad ahayd ee u dhaxaysay Mareykanka iyo Iran, Trump wuxuu caddeeyay in Mareykanku aqbali karo hal qodob oo kaliya oo uu ku tilmaamay mid macno leh, taas oo ah in Iran aysan yeelan karin hub nukliyeer ah, isla markaana marinka Hormuz uu ahaado mid si buuxda u shaqeynaya oo ammaan ah. Wuxuu si toos ah u muujiyay in tani tahay xudunta siyaasadda Mareykanka ee ku aaddan arrintan, isla markaana aysan jirin wax kale oo ka muhiimsan oo la gorgortami karo.

Xaaladda guud ee hadda taagan ayaa muujinaysa koror weyn oo xiisadeed, iyadoo ay weli jiraan jahawareer ku saabsan heshiisyada la sheegay iyo qorshayaasha qarsoon ee labada dhinac. Qorshe la sheegay inuu ka kooban yahay 10 qodob ayaa soo ifbaxay, balse lama hubo inta si rasmi ah loo isla qaatay ama loo dhaqan gelin doono.

Marka la eego fariinta Trump, waxaa muuqata in Mareykanku isku diyaarinayo laba waddo midkood, midda koowaad waa in heshiis adag oo shuruudo cad leh la gaaro, midda labaadna waa in xaaladdu si degdeg ah isu beddesho iska horimaad milatari oo ballaaran. Arrintan ayaa si dhow isha loogu hayaa, maadaama ay saameyn toos ah ku yeelan karto amniga gobolka iyo dhaqaalaha adduunka oo dhan.