Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in heshiiska xabad joojinta aysan qayb ka ahayn Lubnaan sabab la xidhiidha Xsbulaaah. isagoo arintaasi ka hadlaya Trump wuxuu yidhi “Iiraan way ogtahay in Lubnaan laga saaray heshiiska xabad joojinta.”
Iran ayaa ku adkaysatay in xabbad-joojinta kasta ee laga gaaray dagaalka ay qayb ka tahay Lubnaan iyo guud ahaan gobolka, taasoo ay Israel diiday.
Ururka Hezbollah ayaa aqbalay xabbad-joojin laba toddobaad ah, inkastoo Israel ay sii waddo weerarrada ay ka wado Lebanon.
Sikastaba ha ahaatee xiisadda Bariga Dhexe ayaa mar kale cirka isku shareertay kadib markii Iran ay si kulul uga hadashay duqeymo culus oo Israel ka fulisay caasimadda Beirut, taasoo keeni karta in Tahran ay qaado talaabo milatari.sida uu sheegay sargaal ka tirsan Iran.

