Donald Trump ayaa sheegay in Iran ay ku soo laaban doonto miiska wada xaajoodka islamarkaana ay na siin doonto wax walba oo aan rabno”.
Trump oo waraysi siiyay Fox News Sunday Morning Futures, ayaa waxa uu sheegay in gorgortanka Mareykanka ay heleen “wax walba oo aan u baahannahay, marka laga reebo xaqiiqda ah inay diideen inay ka tanaasulaan hammigooda nukliyeerka”.
Waxa uu sheegay in Iran aysan “ka bixin miiska gorgortanka”.
“Waxaan saadaaliyay inay soo laaban doonaan, waxayna na siinayaan wax walba oo aan rabno,” ayuu yiri.
Inta lagu jiro daqiiqad kale oo wareysiga, Trump wuxuu ugu hanjabay Shiinaha 50% canshuur haddii uu caawiyo militariga Iran. Waxa uu sidoo kale sheegay in qiimaha saliidda iyo gaaska uu ugu dambeyntii hoos u dhici doono colaadda ka dib.

