Home SomaliTrump oo sheegay in uu qaaadanayo Saliida Iiraan

Trump oo sheegay in uu qaaadanayo Saliida Iiraan

by Heemaal
2 minutes read

HNN: Madaxweyne Donald Trump ayaa Axaddii sheegay inuu jeclaan lahaa inuu “qaato saliida Iran” isla markaana uu ka fiirsanayo in uu qabsado jasiiradda Kharg, oo ah xarunta dhoofinta saliida ee Iran, halkaas oo laga dhoofiyo in ka badan 90%  saliida dalkaas.

Wareysi uu siiyay Financial Times, Trump wuxuu sheegay in doorbidkiisu yahay in uu qaato saliida.
“Si daacad ah, waxa aan ugu jecelahay waa inaan qaato saliida Iran, laakiin qaar ka mid ah dad aan caqli badnayn oo Maraykanka jooga ayaa leh: ‘Maxaad sidaas u samaynaysaa?’ Laakiin waa dad aan caqli badnayn,” ayuu yiri.

Wareysigan ayaa ah mid ka mid ah hadalladii ugu cadaa ee Trump ku muujiyay fikirkiisa ku saabsan waxa laga qabanayo saliida Iran.

Wareysi bishan uu siiyay NBC News, Trump wuxuu ka booday in  uu si toos ah uga jawaabo su’aal ku saabsan qorshihiisa ah inuu qaato saliida Iran.
“Fiiri Venezuela,” ayuu yiri. “Dadku way ka fikirayeen, laakiin waa goor hore in laga hadlo.”

Bishii Janaayo, Maraykanku wuxuu qabtay hogaamiyaha Venezuela Nicolás Maduro, wuxuuna sii xoojiyay gacanta uu ku hayo warshadaha saliida ee dalkaas.

Aqalka Cad kama jawaabin codsi faallo ah habeenimadii Axadda.

Trump ayaa Axadda u sheegay Financial Times in Maraykanku leeyahay “ikhtiyaarro badan,” oo ay ku jirto suurtagalnimada in la qabsado jasiiradda Kharg, oo ah jasiirad adag oo ka samaysan coral oo ku taal meel ka baxsan xeebaha Iran.
“Waxaa laga yaabaa inaan qabsano Kharg, waxaa laga yaabaa inaanan qabsan. Waxaan haynaa ikhtiyaarro badan,” ayuu yiri Trump. “Sidoo kale waxay ka dhigan tahay inaan halkaas joogno muddo.”

Kumanaan askari oo Maraykan ah ayaa u sii jeeda Bariga Dhexe, iyadoo markabkooda USS Tripoli uu yimid Sabtidii, isaga oo siday qayb ka ah ciidanka oo gaadhaya 3,500 askari ah. Si kastaba ha noqotee, Trump iyo maamulka uu hogaamiyo weli waxay muujinayaan inay ka shaqeynayaan gorgortan ku saabsan qorshe 15-qodob ah oo lagu soo afjarayo dagaalka.

Axaddii, Trump wuxuu ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin gaar ah oo ku saabsan haddii heshiis xabbad-joojin la gaari karo maalmaha soo socda si loo furo Gacanka Hormuz, oo ah marin biyo muhiim ah oo lagu raro qiyaastii 20% dhoofinta saliida adduunka.
“Waxaan haynaa qiyaastii 3,000 bartilmaameed oo harsan 13,000 ayaan waxyeelleynay iyo kumanaan kale oo u baahan in la gaaro,” ayuu Trump ku yiri wareysiga Financial Times. “Heshiis si dhakhso ah ayaa loo gaari karaa.”

Inta badan Maraykanku wadamii uu weeraray ee uu dagaalka la galay wuxuu ka soo saaraayey kharashkii kaga baxay iyo magdhwga askartiisa, khayraadka dalalkaas, waxaan u danbaysay Ciraaq oo muddo badan isgau ka talinayey ceelashooda shidaalka.

Heemaal News Network.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.