Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa baraha bulshada ku wadaagay muuqaal muujinaya duqeyn ka dhacday buundo ku taala magaalada Karaj ee dalka Iiraan.
Muuqaalka ayaa muujinaya buundada oo qiiq badan ka kacaya ka dib markii duqayn cirka ah oo lala beegsaday gelinkii hore ee maanta.
Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa hore ugu sheegay inaysan ka war heyn weerarkaasi lagu duqeeyay buundada, balse Trump ayaa hadda u muuqda inuu sheeganayo mas’uuliyadda weerarkaasi.
“Buundada ugu weyn Iiraan way burbureysaa, mar dambe lama isticmaali doono – wax badan ayaa soo socda! waxaa la joogaa waqtigii ay heshiis gali lahayd Iran intaysan ka daahin, Ma jirto wax u haray oo la dhihi karo waa dal weyni.” ayuu madaxweynuhu ku qoray boggiisa Truth Social.
Iran Oo Sheegtay Inay soo Riday Diyaarad Drone ah Oo Lagu soo Weeraray.
Iiraan ayaa sheegtay in meel u dhow magalada Shiras ay kusoo riday diyaarad aan duuliye lahayn gaar ahaan nooca uu Shiinuhu soo saaro ee lagu magacaabo Wing Loong II.
Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Wing Loong II ay adeegsadaan Dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta, hadii tani ay run noqoto waxay ka dhignaan doontaa in qaar kamid ah dalalka Khaliijku ay si toosa uga lug leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Iiraan, taasoo kordhin karta xiisada dagaalka.
Sidoo kale waxan meesha laga saari karin iney jirto gacan sedexaad oo dagaalka ku lug leh oo dooenysa iney isku dhufato Iiraan iyo dalalka Khaliijka.