Aqalka cad ee maraykanka ayaa warqad codsi ah oo ka socota Trump kuna socota Sisi oo uu ku saxeexan yahay Trump, taas oo kaga dalbanaayey in uu bilaabo dhexdhexaadin u dhaxaysa Masar iyo Itoobiya, iyada oo warqadan ogasiis ahaana loogu diray madax kale oo carbeed.
Mudane Madaxweyne El-Sisi,
Waxaan kuugu mahadcelinayaa hoggaamintaada ku aaddan dhexdhexaadinta guuleysatay ee xabbad-joojinta u dhexeysa Israa’iil iyo Xamaas. Waxaan aqoonsanayaa oo aan ku bogaadinayaa doorkaaga joogtada ah ee aad ka qaadatay maaraynta caqabadaha amni iyo kuwa bini’aadantinimo ee faraha badan ee gobolkaan soo wajahay, adiga iyo shacabkaaga, tan iyo Oktoobar 7, 2023. Dagaalkan wuxuu culays weyn saaray shacabka Masar, mana ahan oo keliya deriskooda ku nool Israa’iil iyo Qaza.
Iyadoo la tixraacayo saaxiibtinnimadeenna shaqsiyadeed iyo ballanqaadka Maraykanka ee nabadda iyo daryeelka wanaagga shacabka Masar, waxaan diyaar u ahay inaan dib u bilaabo dhexdhexaadinta Mareykanka ee u dhexeysa Masar iyo Itoobiya si si masuuliyad leh loogu xalliyo arrinta “Qaybsiga Biyaha Niilka” hal mar iyo gebi ahaanba. Aniga iyo kooxdaydu waxaan si qoto dheer u fahamsanahay muhiimadda weyn ee Webiga Niil u leeyahay Masar iyo dadkeeda, waxaanan doonayaa inaan kaa caawiyo inaad gaarto natiijo hubinaysa baahida biyaha ee Masar, Jamhuuriyadda Suudaan, iyo Itoobiya mustaqbalka fog. Mareykanku wuxuu xaqiijinayaa in aysan jirin dowlad ku taalla gobolkan oo si keligeed ah u xakameyn karta kheyraadka qaali ah ee Niilka, iyadoo dhibaato u geysanaysa deriskeeda inta lagu jiro geeddi-socodkaas.
Waxaan aaminsanahay in khibrad farsamo oo sax ah, wadahadallo caddaalad ah oo daah-furan, iyo door xooggan oo Mareykanku ka qaato kormeerka iyo isku-duwidda dhinacyada, ay suurtagal ka dhigi karto in la gaaro heshiis waara oo ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan dalalka wadaaga wabiga Niilka. Hab guuleysta wuxuu dammaanad qaadi doonaa sii-dayn biyo oo la saadaalin karo inta lagu jiro abaaraha iyo sannadaha qalalan ee daba-dheer ee Masar iyo Suudaan, isla markaana u oggolaanaya Itoobiya inay soo saarto koronto aad u badan, taas oo qayb ka mid ah loo hibeyn karo ama laga iibin karo Masar ama Suudaan.
Mar kale waxaan kuugu mahadcelinayaa saaxiibtinnimada iyo iskaashiga aad ii muujisay aniga iyo shacabka Maraykanka. Xallinta xiisadaha ku hareeraysan Biyo-xireenka Dib-u-curashada Weyn ee Itoobiya (GERD) waxay ka mid tahay mudnaanta ugu sarreysa ajendahayga, anigoo ka shaqeynaya nabad waarta oo ka hanaqaadda Bariga Dhexe iyo Afrika.
Waxaan si weyn u rajeynayaa in khilaafkan si dhab ah loo fahmi karo, GERD (biyo-xireenka) uusan u horseedin iska hor-imaad millatari oo weyn oo dhex mara Masar iyo Itoobiya.


