Sida ay werisay Warbaahinta TRT marwada Madaxweynaha dalka Maraykanka Melania Trump ayaa shir guddoomin doonta kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib markii bishan Maraykanka loo doortay shir guddoonka Golahan.
Donald Trump oo la filayey in uu isagu guddoomiyo shirkan ayaa xaaskiisa u wakiishay in ay iyadu la wareegto masuuliyadda guddoominta shirkan oo caawa dhacaya.
Tan ayaa markii ugu horraysay ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay guddoomiso xaaska hoggaamiye Caalami ah isaga oo Trump ku dhiirraday tallaabo aan hore u dhicin.
Golahan ayaa markii hore ahaa ka ugu xooggan Goleyaasha Qaramada Midoobay balse waxa uu muddooyinkan ahaa mid hoos u dhacaya sababo la xidhiidha Maraykanka iyo Israel oo guud ahaanba diiday in loo hoggaansamo arrimaha Golahan ka soo fula ee ku wajahan bariga dhexe iyo Afrika.