98
“Qof kasta oo Soomaali ah oo haysta dhalashada Maraykanka isla markaana lagu helo inuu ku lug yeeshay xatooyo hanti dadweyne ama uu galay dembi culus, waxa laga qaadi doonaa tallaabooyin adag.
Dhalashada Maraykanka waa laga la noqon doonaa, waddankana waa laga masaafurin doonaa, ama waxa loo diri doonaa xabsi muddo dheer ah iyadoo la eegayo culayska dambiga uu galay.
Go’aankan adag ayaa si cad u shaaciyay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump isaga oo xusay in dawladdu aanay marnaba u dulqaadan doonin musuqmaasuq iyo dambiyo culus gaar ahaan kuwa ay galaan muwaadiniinta haysta dhalashada Maraykanka.

