Sunday, April 5, 2026

Trump Oo Sheegay Inuu Wada-xaajood kula Jiro Iiraan, Iyo Inta Jeer Ee Uu u Hanjabay Iran

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in wada-xaajood kula jirnaa Iiraan, islamarkaana heshiis lala gaari karo berri Isniinta, balse wuxuu ku hanjabay weerarro culus haddii Tehran aysan degdeg uga jawaabin.

Donald Trump ayaa sheegay; “Waxaan hadda wada-xaajood kula jirnaa Iiraan, waxaana aaminsanahay inaan heshiis gaari karno berrito… Haddii aysan arrintaas si deg-deg ah u sameyn, waxaan ka fiirsanayaa inaan wax walba burburino oo aan la wareegno shidaalka.”

“Waxaan burburin doonaa buundooyinka iyo warshadaha korontada ee Iiraan oo dhan, Sidoo kale waxaan la wareegi doonaa shidaalka Iiraan, isagoo sidoo kale cafis siiyay wadaxaajoodyada Iran si wadahadalladu u sii socdaan.”

Iiraan weli kama aysan jawaabin hadalladaas, iyadoo xiisaddu sare u kacday kadib hanjabaado uu Trump ku daabacay Truth Social oo ku saabsan beegsiga kaabayaasha dalka.

Xiisadda gobolka ayaa sii kordheysa tan iyo weerarkii wadajirka ahaa ee mareykanka iyo Israel ay ku qaadeen Iran 28-kii Febraayo.

Wax ka ogow inta jeer ee Trump waqti kama dambaysa u qabtay Iiran ee haddana waxka baddeley

Donald Trump ayaa hadda ku celiyay hanjabaadihiisii ku aaddanaa Iiraan haddii aysan furin Marinka Hormuz marka ay taariikhdu tahay 6-da Abriil. Intii uu dagaalku socday, wuxuu dhowr jeer beddelay waqtiyo kama damabysa oo uu qabtay – halkan ayaana ku soo koobnay

Waqtiga kama dambaysta ah 1-aad: 21-kii Maarso, Trump wuxuu sheegay inuu “garaaci doono isla markaana tirtiri doono” xarumaha korontada, isagoo “ka bilaabaya kuwa ugu waaweyn”, haddii aysan Iran furin marin-biyoodka muddo 48 saacadood gudahood ah.

Waqtiga kama dambaysta ah 2-aad: Labo maalmood ka dib, wuxuu sheegay inay jireen “wadahadallo aad u wanaagsan oo miro-dhal ah” oo dhex maray labada dal, wuxuuna dib u dhigay weerarada ka dhanka ah kaabayaasha tamarta muddo shan maalmood ah.

Waqtiga kama dambaysta ah 3-aad: 27-kii Maarso, Trump wuxuu sheegay inuu weerarka xarumaha tamarta dib u dhigayo 10 maalmood, isagoo fulinaya “codsi ka yimid dawladda Iran”, taasoo ahayd waqtiga kama dambaysta ah ee ugu dambeeyay ka dhigtay 6-da Abriil.

Digniinta 48- saac ah: Shalay, iyadoo lagu siqayo waqtiga kama dambaysta ah 6-da Abriil, wuxuu ka digay in Iran ay u haransan tahay “48 saacadood” ka hor inta uusan ku soo deyn “cadaabta oo dhan”

Hanjabaaddii ugu dambaysay: Qoraal ay ka buuxaan hadallo aad u kulul oo meel-ka-dhac ah, ayuu Trump maanta mar kale ku celiyay hanjabaaddaas.