Trump ayaa telefishinka ABC ka sheegay in uu ka fakarayo ih Iran u soo bandhigo in si wada jir ah umaamulaan marinka Hormuz oo ay lacagta canshuurta siwada jir ah oga qaadi doonaan maraakiibta halkaasi marta.
Iiraan waxay martay isbeddel maamul oo dhab ah, waxaana laga joojiyay kobcinta Yuraaniyamka. Maraykanku wuxuu Iiraan kala shaqayn doonaa sidii meesha looga saari lahaa haraadiga nukliyeerka ee ku jira dhulka hoostiisa.
Maraykanku wuxuu Iiraan kala hadli doonaa fududaynta cashuuraha iyo ka qaadista cunaqabataynta, Waxaa hadda durbaba lagu heshiiyey in badan oo ka mid ah 15-kii qodob ee heshiiska nabadda.


