Trump”Somaliya ma aha dal jira, dowlad ma leh, waxba kama jiraan, waa dad garasho-yar.”

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

“Soomaaliya Waa Dal Fashilmay, Ma Aha Qaran, Ma leh Dowlad, Ma Leh Boolis, Ma Leh Waxba..” Madaxweynaha Maraykanka oo mar kale weerar afka ah ku qaaday Somalia.

Madaxweyne Trump oo maanta ka hadlayey Shirka dhaqaalaha Aduunka ee lagu qabtay Magaalada Davos ee Dalka Switzerland, waxaana uu eedaymo culus u jeediyey Xildhibaan Ihaan Cumar oo ka tirsan Kongarauska dalkaasi oo Somalia kasoo jeeda, taas oo dagaal adag kala dhexeeya Trump.

“Waxaan ula Jeedaa, bal u fiirso waxaan dalka keen-sanynaa dad ka yimid Soomaaliya, Soomaaliya-na waa dal fashilmay, ma aha qaran, ma leh dowlad, ma leh boolis, ma leh waxba, sidoo kale waxaa inoo joogta xildhibaan been abuur ah oo hadda la ii sheegayo in hantideedu gaareyso 30 milyan oo doolar. Bal ka waran waxaa, ma rumeysan kartaa?” ayuu yidhi Madaxweynaha Mataykanka Trump oo ka hadlayey Shirka Davos ee dhaqaalaha Aduunka .

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.