Xafiiska Madaxtooyada Turkiga ayaa si rasmi ah u beeniyay dukumeenti si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, kaas oo si khaldan loogu sheegay in Turkigu qaatay mowqif rasmi ah oo ku saabsan in Soomaaliya aysan lahayn diyaaradaha dagaalka ee F-16, isla markaana aysan ku habboonayn martigelintooda.
War-saxaafadeed ka soo baxay Agaasinka Isgaarsiinta Madaxtooyada Turkiga ayaa lagu sheegay in dukumeentigaasi yahay mid gebi ahaanba been abuur ah, islamarkaana uusan matalin mowqifka rasmiga ah ee Dowladda Turkiga ama Wasaaradda Gaashaandhigga.
“Dukumeentiga lagu faafinayo baraha bulshada, ee lagu sheegayo inuu ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga, lana xiriirinayo Soomaaliya, waa mid gebi ahaanba been ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Madaxtooyadu waxay caddeysay inaysan jirin hay’ad rasmi ah oo Turki ah oo soo saartay war sheegaya in Soomaaliya aysan lahayn diyaaradaha F-16 ama su’aal gelinaya sharciyadda martigelintooda.
Waxay sidoo kale tilmaantay in dukumeentigaasi uusan waafaqsaneyn qaabka, luqadda iyo nidaamka qoraallada rasmiga ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, isla markaana uusan ka muuqan marinada rasmiga ah ee dowladda.
War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in saxiixa lagu xusay dukumeentiga, kaas oo loo nisbeeyay Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga YaĹźar GĂĽler, uu yahay mid been abuur ah, isla markaana uusan sax ahayn.
Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa uga digay dadweynaha in dukumeentigan iyo wararka la xiriira ay u muuqdaan kuwo si ula kac ah loogu talagalay in lagu waxyeelleeyo xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya, lana marin habaabiyo aragtida dadweynaha xilli xasaasi ah.
“Qoraallada iyo faafinta noocan ah ee si ula kac ah u beegsanaya xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya isla markaana marin habaabinaya dadweynaha, mana mudna in la rumaysto,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir diblomaasiyadeed, amni iyo mid istiraatiiji ah oo qoto dheer, oo ay ku jirto iskaashi dhanka difaaca iyo dhisidda awoodaha.