Turkiga ayaa bilaabaya howlo cusub oo sahmin iyo qodis ah oo ku saabsan macdanta hydrocarbons-ka badda Madow iyo xeebaha Soomaaliya, iyadoo qorshuhu yahay in bisha Abriil ay shaqooyin muhiim ah bilaabaan.
Markabka qodista Abdülhamid Han ayaa sanadkan bilaabay qodista tijaabada ah ee ceelka Kandıra-2 oo ku yaal xeebta gobolka Kocaeli. Bisha Abriil, markabka Fatih ayaa ka hawlgeli doona ceelka Eflani-1, halka markabka Çağrı Bey uu dhamaadka bisha bilaabi doono qodista ceelka Curad-1 ee Soomaaliya.
Sanadihii la soo dhaafay, Türkiye waxay dhistay awood xooggan oo dhinaca tamarta ah, iyadoo adeegsanaysa markabyo casri ah sida Fatih, Yavuz, Kanuni, iyo Abdülhamid Han, iyo sidoo kale maraakiib cilmi-baaris ah sida Barbaros Hayreddin Paşa iyo Oruç Reis. Markabadan ayaa sahminaya khayraadka hydrocarbons-ka, lana socodsiinaya qorshaha Türkiye ee kordhinta wax-soosaarka tamarta gudaha iyo xoojinta awooda sahminta badda ee gobolka.
Tallaabadan ayaa ah mid qeyb ka ah qorshaha istiraatiijiga ah ee Türkiye ee horumarinta tamarta iyo yareynta ku tiirsanaanta shidaalka dibadda.

Dhanka kale Itoobiya ayaa sheegtay in siddeed sanno ee tagay ay ka gubdeen siyaaasaddi dalka qarniyada lagu jihaynayay ee ahayd: “In caddaw ku harreraysan yahay.” Waxayna xustay in Dobloomasiyad lagula macaanilo dalalka deriska.
Itoobiya waxay kaloy xustay in xidhiidhka dalalka Deriska la hagaajiyay oo meesha laga saarray shaki muddo dheer soo jiray, iyadoo mudnaan la siinnayo deriska.
War-saxaafaded ay soo saartay ayay Itoobiya ku xustay in jihada cusub ee Diblomaasiyada ku dhisan ay ka dhigayso mid Afrika tusaalle u ah, iyadoo hoosta ka xariiqay in guullo badan lagu soo hooyay.
Hadalkan ayaa imanaya xili Jawhar Mohammed, Dowladda dhexe ku eedeyay in Diblomaasiyad qaldan ku wajaheen dalalka deriska, taas oo uu xusay in ay keentay in Koonfur Galbeed Masar kaga adkaato, Puntland-na qarka u saarran tahahay in saameynta Itoobiya la wiiqo.