Turkiga Oo Somaliya u soo Diray Maraakiibta Dagaalka Ee Ilaalinta Qodista Shidaalka

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasaaradda Difaaca Qaranka ayaa ku dhawaaqday in maraakiibta gaashaman ee TCG SANCAKTAR, TCG GÖKOVA, iyo TCG BAFRA loo xilsaaray ilaalinta Qodista shidaalka xeebaha Somalia ee Çağrı Bey.

Ciidanka hawsha, oo ka kooban markab dagaal, corvette, iyo markab qodaya shidaalkaxeebahaSomalia, ayaa ku sugnaan doona Jabuuti 7-da Febraayo waxa ay soo baxayaan Djibouti iyagoo imanaya 11-ka Febraayo xeebaha Somalia,

Dhanka kale

Dawlada turkiga ayaa bilowday suuq gaynta shidaalka ay somaliya ka soo saarayso.

Shirkada shidaalka ee turkigu leeyahay ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaa TPAO ayaa heshiis la gashay shirkada wayn ee maraykanka ah ee CHEVRON si ay u iibsato shidaalka somaaliya.

Arinta layaabka leh waxay tahay.

Dawlada somaliya ee dhulkeeda shidaalka laga soo saarayo heeshiiskaasi waxba Kama oga lagamana talo galin.

Sanadkii hore heshiis ay wada saxeexdeen turkiga iyo somaaliya ayaa qeexaya in faa’iidada shidaalka soomaaliya ay dawlada turkigu qaadan doonto boqolkiiba sagaashan(90%).

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.