Alparslan Bayraktar, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, oo ka hadlaayay telefashinka dowladiisa ayaa xusay in sannadka 2026 uu yahay mid isbeddel muhiim ah leh, oo ku saabsan tamarta Turkey iyo Soomaaliya waxa uuna yiri:
“Waxaan rabnaa inaan war wanaagsan ka keeno Soomaaliya, una gudbino dalkayaga iyo shacabka Soomaaliyeed.”
Iran Oo Israel ku Qaaday Weerarkii Ugu Adkaa
Iiraan ayaa waxyar ka hor gudaha Israa’iil ku qaaday weerar lagu sheegay midkii ugu ballaarnaa tan iyo bilowgii dagaalka, sida ay Al Jazeera ka soo xigatay telefishinka Israa’iil ee Channel 14.
Raadiyaha ciidanka Israa’iil ayaa dhankiisa ku warramay ; “ Waxaa ka dhacaya Israa’iil arrin aan caadi ahayn, inta badan gantaallada waa nooca is kala firidhaya (cluster), waxayna ku dhacayaan meelo kala duwan.”
Weerarkan ay Iiraan ku qaaday gudaha Israa’iil,ayaa ku soo aaday xilli Mareykanka iyo Israa’iil ay duqeymo culus ka gaysanayaan gudaha Tehran , tan iyo galabnimadii maanta.
106 oo Israeliyiin ah ayaa dhaawacmay 24kii saac ee ugu dambeeyay duqeymaha Iran iyo Xisbullah ee looga jawaabayo gardarrada Yuhuudda.
Tiradan ayaa ka dhigeysa dhaawac guud ee ay qiratay Israel 6,286 qof, halka ay dhimashada guud ku sheegtay 29 qof kaliya.