Turkiga oo si Rasmi ah u Taageeray Maamulka Waqooyi Bari iyo Midnimada Somaliya

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, ayaa magaalada Laascaanood kaga dhawaaqay in dowladda Turkiga ay si buuxda u taageersan tahay midnimada, wadajirka iyo ilaalinta dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Danjiraha oo la hadlayay warbaahinta intii uu ku sugnaa Laascaanood, oo ah xarunta Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, ayaa carrabka ku adkeeyey in Ankara ay mar walba ka go’an tahay in ay aragto Soomaali mid ah oo isku duuban, kana fog kala qaybsanaan iyo khilaaf. Waxa uu xusay in Dowladda Turkiga ay dadaal xooggan ku bixinayso xoojinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha dowladeed.

“Waxa aan doonaynaa Soomaali mid ah oo isku duuban. Mar walba oo walaalaheen Soomaaliyeed ay midoobaan, waxa ay astaan u tahay awood, horumar iyo mustaqbal ifaya. Maanta waa maalin taariikhi ah, waana maalin muujinaysa sida ay Soomaalidu ugu han weyn tahay midnimo iyo wadajir. Dowladda Turkiga-na mar walba way idinla garab taagan tahay,” ayuu yiri Safiir Alper Aktaş.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa ka mid ahaa danjireyaasha iyo wakiillada caalamiga ah ee ka qaybgalay munaasabadda caleemo-saarka hoggaanka Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nidaamka dowladnimo, midnimada dalka iyo xasilloonida guud ee Soomaaliya.

Ugu dambayn, Danjire Alper Aktaş ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay si buuxda u garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka go’an tahay sii xoojinta taageerada dhinacyada amniga, horumarinta iyo dib-u-dhiska, si loo adkeeyo midnimada, wadajirka iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Hadalkan Safiirka Turkiga ayaa imanaya xilli ay dowladda Soomaaliya wado dadaallo lagu xoojinayo midnimada qaranka iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladeed, iyadoo taageerada caalamiga ah ay door muuqda ka qaadanayso geeddi-socodkaas.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.