Home SomaliUSS Gerald R. Ford oo ku xidhay dekedda Split ee dalka Croatia si dib loogu dhiso

USS Gerald R. Ford oo ku xidhay dekedda Split ee dalka Croatia si dib loogu dhiso

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

HNN: Markabka dagaalka ee qaada diyaaradaha ugu weyn dunida ayaa ku laabtay Croatia kadib dab ka kacay gudaha markabka, kadib dagaal uu la galay ciidamada Iiraan.

Iiraan ayaa sheegtay in ay beegsatay markabkan ayan gubtay, halka Maraykanku sheegay in markabka dhaawac iyaga oo sheegay in uu dab ka kacay qaybta dharka lagu dhaqo.

Markabka qaada diyaaradaha ee USS Gerald R. Ford (CVN 78), oo ah markabka dagaal ee ugu weyn aduunka ee weli adeegga, ayaa ku soo xirtay dekedda Split ee dalka Croatia kadib markii uu ka soo shiraacday Badda Adriatic isagoo ka yimid Souda Bay ee dalka Giriigga, oo uu ku suganaa intii u dhexeysay 23 ilaa 26 Maarso, halkaas oo lagu sameeyay hawlo ay ka mid yihiin dib-u-sahayn, shidaal ku shubid iyo dayactir.

Joogitaanka Souda Bay wuxuu sidoo kale lahaa muhiimad farsamo. Kooxo ka socda Xarunta Dayactirka Gobolka ee hore loo geeyay, oo ay ku jiraan injineerro dhisme, naqshadeeyayaal maraakiib iyo khubaro kale, ayaa sameeyay qiimeyn ku saabsan dayactirka markabka, sida lagu sheegay bayaan.

Sida uu sheegay kabtan David Skarosi, oo ah taliyaha USS Gerald R. Ford, ku laabashada Split waxay sidoo kale fursad u tahay shaqaalaha markabka inay nastaan kadib bilo badan oo hawlgallo joogto ah. Wuxuu xusay in shaqaaluhu ay qabteen hawlo badan tan iyo booqashadii ugu horreysay ee magaalada Croatia, wuxuuna uga mahadceliyay bulshada deegaanka sida ay u soo dhoweeyeen ciidamada Mareykanka.

Heemaal News Network.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.