Vance wuxuu sheegay in maamulka Trump uu ka go’an yahay in laga fogaado ku milanka colaad dheer oo kharash iyo khasaare badan leh, isagoo carrabka ku adkeeyay in tallaabo kasta oo militari ay ahaan doonto mid xaddidan oo leh ujeeddo cad.
Isagoo la hadlayay Fox News, Vance wuxuu ku dooday in go’aanka Trump ee weerarka ka dhanka ah Iran uu ka duwan yahay dagaalladii Maraykanka ee Iraq War iyo War in Afghanistan.
Wuxuu sheegay in farqiga ugu weyn uu yahay in madaxweynuhu si cad u qeexay waxa uu doonayo in la gaaro, isla markaana uusan oggolaan doonin in dalka lagu dhex jiido dagaal sanado badan soconaya oo aan lahayn ujeeddo iyo dhammaad cad, isga oo meesha ka saaray in Natenyahu uu Trump ku caadaadiyey dagaalka isaga oo ka faa’iidaysanaya danihiisa gaarka , balse wuxuu sheegay Vance, ujeeddada la hiigsanayo waa in la hubiyo in Iran aysan helin hub nukliyeer ah.
Vance wuxuu intaas ku daray in Trump uusan dalka gelin doonin dagaal haddii aysan jirin yool si cad loo qeexay, taasoo uu sheegay inay ka hortagi doonto dhibaatooyinkii Maraykanku kala kulmay Ciraaq iyo Afgaanistaan.
Hadalka Vance ayaa imanaya iyadoo ay jiraan walaac ku saabsan suurtagalnimada in xiisadaha gobolka ay isu beddelaan dagaal waqti dheer qaata, balse wuxuu sheegay in hoggaanka Maraykanku doonayo istaraatiijiyad degdeg ah oo ka hortagta in xaaladdu isu rogto colaad daba dheeraata.