Waaxda cadaaladda Mareykanka ayaa caawa shaacisay qaybtii u dambeysay ee dukumentiyada la xiriira kiiska Jeffrey Epstein, oo loo arko mid ka mid ah fadeexada ugu ceebta badan ee hoggaamiyeyaal siyaasadeed iyo shaqsiyaad kale oo caan ay ku lug leeyihiin, taa oo ka dhigtay kiis muddo dheer la qarinayay.
Tirada dukumentiyada:
•In ka badan 3 milyan oo bog, 2,000 oo muuqaallo ah, iyo 180,000 oo sawirro ah ayaa la sii daayay—taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah sii-deyntii ugu ballaarneyd ee noocan ah.
Nooca xogta:
Dukumentiyadu waxay isugu jiraan qoraallo baaritaan, dukumenti maxkamadeed, xog maaliyadeed, iyo xiriirro shakhsiyeed oo muujinaya sida uu Epstein u maamulayay shabakaddiisa iyo xiriirradiisa.
Waxa wali maqan:
Inkasta oo mugga xogtu aad u weyn yahay, dadweynaha iyo warbaahinta waxay sheegayaan in aysan si cad u muuqan cidda ka dambeysay ama taageertay Epstein. Magacyo muhiim ah iyo xiriirro sare ayaa la rumeysan yahay inay wali qarsoon yihiin, waxaa dheer oo aan wali la sii deyn in kabadan 200 fayl oo xasaasi ahaa. Waxaa sidoo kale oo la qariyay magacyada dhibanayaasha iyo eedaysanayaasha ku lug yeeshay kiisaskan.
Sii-deyntu waxay dib u kicisay cadaadis bulsho, iyadoo dad badan ay dalbanayaan daahfurnaan buuxda iyo in la shaaciyo cid kasta oo kiiskan ku lug leh.
Kiiskan waxaa loo arkaa imtixaan ku saabsan hufnaanta hay’adaha Mareykanka, maadaama su’aalo waaweyn ay ka taagan yihiin sababta xogta qaar u qarsoon tahay iyo in cadaadis siyaasadeed ama mid awood leh uu jiro.In kasta oo la sii daayay xog aad u tiro badan, laakin illaa hadda lagama jawaabin cidda dhab ahaantii ka dambeeyay Epstein, yaase ka faa’iideystay shabakaddiisa? Ilaa su’aalahaas si cad looga jawaabo, dalabka dadweynaha ee xog dheeraad ah ma istaagi doono.
Muxuu ahaa Jeffrey Epstein?
Jeffrey Epstein wuxuu ahaa maal-qabeen Mareykan ah oo si weyn loogu yaqaanay shabakad eedeymo culus oo ku saabsan kufsi iyo ka faa’iideysi galmo, gaar ahaan gabdho aan qaan-gaarin. Kiiskiisu wuxuu noqday mid ka mid ah fadeexadihii ugu waaweynaa ee taariikhda casriga ah ee Mareykanka, maadaama uu la xiriiray dad awood iyo magac leh.
Waxaa loo arkaa qof loo adeegsaday inuu fadeexad ka kaydiyo siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka caanka ah , wuxuu dhisay jasiirad taa oo ay tageen inta badan qof kasta oo magaciisa dunidda laga garanayo, ku dhawaad kala bar madaxweynayaashii xilalka ka soo qabtay adduunka, kuwaasoo lagu sawirray carruur , taa oo ah waxa mar kasta loola xiriiriyo ninkan inuu ahaa maalqabeen ay sameysay hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad, wallow aan illaa hadda la caddeyn ninkan cidda ka sarreysay ee shaqadan inuu muuqaallo iyo sawirro fadeexad ah ka kaydiyo dadka saameynta leh u qabanayay.
Jeffrey Epstein, wuxuu ugu dambeyn bishii Agoosto ee sannadkii 2019 ku dhex dhintay xabsi ku yaal Mareykanka, taasoo xaddiday wax badan oo kiiskiisa laga oggaan lahaa.

Screenshot
