Wadahadalladii ay Maraykanku dhexdhexaadinayeen ee u dhexeeyay Ukraine iyo Ruushka, oo ka dhacay Abu Dhabi, ayaa soo idlaaday maalintii labaad iyada oo aan wax heshiis ah la gaarin. Si kastaba, labada dhinac ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in wadahadallo kale la sii wado, xilli weerarrada Ruushku ku hayo kaabayaasha tamarta Ukraine ay weli socdaan.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa qoraal uu ku daabacay barta X Sabtidii sheegay in wada-hadalladu diiradda saareen “qodobada lagu soo afjari karo dagaalka, iyo shuruudaha amni ee loo baahan yahay si arrintaas loo xaqiijiyo”, isagoo intaas ku daray in kulammo kale dhici karaan toddobaadka soo socda.
Zelenskyy ayaa sheegay in wada-hadallada ay ka qayb galeen madaxa gorgortanka Ukraine Rustem Umerov iyo hoggaamiyaha sirdoonka militariga Kyrylo Budanov, halka dhinaca Ruushka ay joogeen saraakiil ka tirsan sirdoonka iyo militariga. Wakiillo Maraykan ah oo ay ka mid yihiin Steve Witkoff iyo Jared Kushner ayaa sidoo kale kulanka ka qayb galay.
Bayaan ka soo baxay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in wada-hadalladu ahaayeen bilaw fiican”, isla markaana lagu falanqeeyay “qodobbo weli harsan” oo ka mid ah qorshaha nabadda ee Washington.
Qorshihii hore ee Maraykanka ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulmay Kyiv iyo dalal ka tirsan Yurubta Galbeed, iyadoo lagu eedeeyay inuu aad ugu dhow yahay dalabaadka Ruushka iyo hamigiisa dhuleed. Dhanka kale, Ruushka ayaa diiday in wax laga bedelo diidmadiisa la xariirta soo jeedinta ku saabsan in ciidamo nabad-ilaalin Yurub ah la geeyo gudaha Ukraine.
Ka hor wadahadallada, afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa Jimcihii sheegay in Ruushku uusan ka tanaasulin dalabkiisa ah in Ukraine ka baxdo bariga Donbas, oo ah dhul warshadeed muhiim ah kana kooban gobollada Donetsk iyo Luhansk.
Ruushka ayaa si buuxda u haysta Luhansk, halka Madaxweyne Vladimir Putin uu doonayo in Ukraine ay wareejiso 20% ee ka harsan Donetsk oo ay weli gacanta ku hayso.
Wariyaha Al Jazeera ee Kyiv, Audrey MacAlpine, ayaa sheegtay in wadahadallada lagu gorfeeyay muranka ka taagan Donbas, iyo sidoo kale suurtagalnimada xabbad-joojin lagu sameeyo weerarrada lagu hayo kaabayaasha tamarta Ukraine, xilli weerarro sababay in qiyaastii 1.2 milyan oo qof ay koronto la’aan noqdaan, iyadoo heerkulku hoos u dhacay oo uu eber ka hooseeyo.

