Diyaarad gaar ah oo siday Wafdi hordhac u ah safarka Madaxweynaha Somalia iyo ciidanka ilaalada Madaxtooyada ayaa gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka woqooyui bari Somalia.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu u safro magaalada Laascaanood, xilligaan oo dalka ku jiro dadaallo lagu adkeynayo Midnimada.
Safarka waxaa la filayaa inuu Madaxweynuhu uu halkaasi ku tago 15-ka Bishan, wuxuuna Laascaanood uga qeyb gali doonaa caleema saarka Madaxweynaha Maamulkaasi.
Ilo lagu kalsoonaan karo oo Villa Soomaaliya Ka tirsan iyo qaar ka tirsan maamulka Waqooyi Bari ayaa xaqiijiyey in wafdiga uu Hogaaminayo Madaxweynaha ay bixi doonaan Maalinta Khamiista ee inagu soo aaddan.
Sidoo kale siyaasiyiin, salaadiin iyo waxgarad kala duwan ayaa ku qulqulaya magaalada Laascaanood kuwasoo kala yimid degaanada Puntland iyo meelo kale si ay uga qeyb galaan caleemo saarka Madaxweyne Firdhiye.
Xassan Shiikh ayaa caleemo saarka ka sokow safarkan u adeegsanaya inuu caalamka ku tusiyo in qeyb ka mid ah dhulka ay sheegato Somaliland uu hoos tago dowladiisa taasoo weji gabax ku ah madaxweyne Ciro oo dhowaan aqoonsi Online ah ka helay Israel.
Have any thoughts?
Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

