Muqdisho, Jannaayo 27, 2026; Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Dhucle ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magalaada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Durmuş Ünüvar.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda ayaa uga mahadceliyey Wasiirka booqashadiisa uu ku yimid dalka, isagoo tilmaamay muhiimadda ay u leedahay xoojinta xiriirka labada dal ee kor u qaadista iskaashiga kaabayaasha dekadaha iyo horumarinta adeegyada istaraatiijiga ah ee badda.
Inta ay wafdigu ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, waxay ay kulamo rasmi ah la yeelan doonaan madaxda sare ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta iskaashiga, iyo horumarinta wax wada qabsiga la xiriira kaabayaasha dhaqaalaha.






