Masuuliyiinta wadaxaajoodka I1raan ayaa gaadhay Magaaladda Islamabad ee Dalka Pakistan, si ay wadahadallo toos ah ula yeeshaan Wefdiga Mareykanka ee uu hoggaaminayo J.D. Vance, iyada oo la filayo in wada haladdadu ay jimcaha ka furmaan halkaas.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda I1raan ayaa shaacisay tegidda wafdiga ee Pakistan fiidnimadii maanta oo Khamiis ah.
Si kastaba ha ahaatee, Mohammad Baqer Qalibaf, afhayeenka Golaha Wadatashiga Islaamka, oo madax ka ah kooxda
wadaxaajoodka I1raan ayaa ka digay in haddii weerarrada Israa11L ee Lubnaan aanay joogsan, Tehran ay jebin doonto xabbad joojinta, wadahadalladuna aanay noqon doonin kuwo toos ah oo midho dhala.

