Saturday, April 11, 2026

Wafdigii Iraan Oo kuleetiga kusoo Dhegsaday Sawirada Ayatollah Mojtaba Khamenei oo ah Hoggaamiyaha Iran.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Islamabad Iraaniyiintu waxay samaynayaan waxyaabo lala yaabay, Ghalibaf oo ah Afhayeenka Baarlamanka Iran oo ah ninka hoggaaminaya wafdiga Iran ayaa wuxuu kuleetiga kusoo dhegsaday, sawirada Ayatollah Mojtaba Khamenei oo ah hoggaamiyaha Iran ee waqtigaan oo ay raadintiisa ku daaleen Isra11l iyo Maraykanka, iyo waliba aabbihiis Ayatollah Cali Khamenei oo ay horay Maraykanku u dileen.

Afhayeenku horay wuxuu u soameeyay in uu diyaaradda wafdiga soo saartay sawirada caruurtii Minab lugu laayay iyo waliba boorsooyinkoodii Iskuulka oo dhiig leh.

Sawirka halkaas ugu dhegan wuxuu la hor fariisan doonaa wafdiga Maraykanka sida la filayo, lama oga hadduu horay usoo qaadan doono boorsooyinka dhiiga leh.