Wakiilka Salah: Ma garanayo halka uu ka ciyaari doono Mahamed xili ciyaareedka soo socda

by Heemaal
2 minutes read
A+A-
Reset

HS: Dhawaan waxaa la shaaciyay in Mohamed Salah uu ka tagayo Liverpool FC marka xilli ciyaareedkan uu dhammaado.

Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn iyo warar badan oo ku saabsan tallaabada xigta ee ciyaaryahanka Masaarida ah. Waxaa la hadal hayaa in uu u wareegi karo Sacuudi Carabiya, Mareykanka, ama xitaa kooxo waaweyn oo Yurub ah.

Ibrahim Hassan, oo ka tirsan maamulka xulka qaranka Masar, ayaa sheegay in Salah uu heysto dalabyo ka yimid laba kooxood oo waaweyn, oo ah Paris Saint-Germain iyo FC Bayern Munich. Wuxuu sheegay inuu doorbidayo in Salah uu sii joogo Yurub. Waxa kale oo uu farta ku fiiqay in kooxo Talyaani ah ay xiiseynayaan. Si kastaba ha ahaatee, Bayern Munich ayaa si degdeg ah u beenisay wararkaas, iyadoo uu ka hadlay agaasimaha ciyaaraha Max Eberl.

Hassan ayaa sidoo kale ka digay in Salah uusan u wareegin horyaalka Mareykanka ee Major League Soccer, isga tix raacaya warar ayaa sheegaya in Inter Miami CF, oo uu ka ciyaaro Lionel Messi, ay doonayso Salah.

Hassan ayaa yiri: Haddii uu aado MLS, wuxuu ka fogaanayaa iftiinka caalamka, halkaa waa lagu illoobi doonaa, sida aniga oo kale oo aan u illoobay Lionel Messi.

Sannadkii 2023, waxaa jiray warar sheegaya in Salah uu ku biirayo Al-Ittihad lacag aad u badan. Kooxda ayaa hadda raadineysa beddelka Karim Benzema, taas oo ka dhigaysa in mar kale lala xiriiriyo Salah. Si kastaba, xaaladda amni ee Bariga Dhexe ayaa la sheegay inay caqabad ku tahay heshiis noocaas ah.

Wakiilka Salah, Ramy Abbas, ayaa sheegay in wali aan go’aan laga gaarin mustaqbalkiisa, ma garanayno halka Mohamed ka ciyaari doono xilli ciyaareedka soo socda. Taas micnaheedu waa qofna ma oga.

Wararka ka imanaya Liverpool waxay sheegayaan in 33-jirkan uu qaato mushahar gaaraya 400,000 oo ginni todobaadkii, taas oo ku adkaan karta kooxo badan inay la tartamaan.

Salah ayaa hadda dhaawac ku maqan, sidaas darteed ma ciyaarayo kulanka Masar ay la leedahay Sacuudi Carabiya.

Heemaal Sport,

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.