Wakiillada Qaramada Midoobay ee Ruushka iyo Shiinaha ayaa ka hadlay kulankii Golaha Ammaanka ee ay ku diideen qaraar la xidhiidhay in xoog lagu furo marinka muhiimka ah ee Hormuz.
Safiirka Ruushka, Vassily Nebenzia, ayaa sheegay in dalkiisu taageersan yahay in marinnada caalamiga ah ay furnaadaan, balse qaraarkan uu ahaa mid hal dhinac u janjeedha, isla markaana dhaawici kara dadaallada nabadeed ee socda.
Safiirka Shiinaha, Fu Cong, ayaa isna sheegay in inkastoo ay ka walaacsan yihiin xidhitaanka marinka Hormuz, haddana qaraarku uusan si sax ah uga tarjumayn sababaha dhabta ah ee khilaafka, isla markaana uu yahay mid cadaadis hal dhinac ah.
Dhanka kale, wakiilka Mareykanka, Mike Waltz, ayaa si adag u dhaliilay Ruushka iyo Shiinaha, isagoo sheegay inay mar kale carqaladeeyeen shaqadii Golaha Ammaanka, isla markaana veto-ga ay adeegsadeen uu yahay tallaabo hoos u dhigaysa kalsoonida

