Warar Dheerada Oo Ka Soo Baxaysa Qabashadii Nicolás Maduro

by Heemaal
1 minutes read

Wasiirka difaaca ee Venezuela ayaa shaaca ka qaaday in si ballaaran loo diyaarinayo loona daabuli doono ciidamo milatari, ka dib markii la ogaaday in madaxweynahii dalka, Nicolás Maduro, laga qaaday dalka oo loo qaaday USA.

Senator Mike Lee ayaa sheegay in xoghayaha arrimaha dibedda ee USA, Marco Rubio, uu sheegay in USA aysan hadda sameyn doonin wax tallaabooyin dheeraad ah oo ku saabsan Venezuela.

USA waxay horey u fulisay howlgallo waaweyn oo ka dhan ah Venezuela iyo madaxweynaha dalka, Nicolás Maduro, kaas oo lagu qabtay, isagoo la socday xaaskiisa, ka dibna loo qaaday dalka maraykanka. Howlgalka waxaa la fuliyay iyadoo lala kaashanayo hay’adaha sharciga ee Mareykanka. Faahfaahin dheeraad ah ayaa iman doonta, ayuu Donald Trump ku qoray Truth Social.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in uu qaban doono shir jaraa’id oo ka dhici doona Mar-a-Lago saacadda  18:00 galabnimo ee waqtiga Soomaaliya.

Senator Mike Lee, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, ayaa sheegay in Maduro la horgeyn doono maxkamad USA, oo lagu eedeen doono dhowr dambi.

Xoghayaha arrimaha dibedda Marco Rubio wuxuu sheegay in aysan jirin wax tallaabooyin dheeraad ah oo laga qaadi doono Venezuela, maadaama Maduro uu hadda ku jiro gacanta Mareykanka, ayuu Lee u sheegay wakaaladda wararka Reuters.

USA ma aysan fulin hawlgallo sidan oo kale ah tan iyo  markii ay ka qabteen madaxweynihii Panama ee waqtigaas 1989, Manuel Noriega. Waxaana la geeyay USA waxaana lagu xukumay dambiyo daroogo ah. Noriega waxaa lagu xukumay 30 sano oo xabsi ah, ka dibna waxaa loo soo gudbiyay Faransiiska iyo Panama si ay uga soo oogaan dacwado. Wuxuu ku dhintay Panama sanadkii 2017.

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.