lsraa’iiI ayaa hakisay dhammaan iskaashiga difaaca ee ay la lahayd Faransiiska, isla markaana joojisay heshiisyo milatari kadib muran ka dhashay diidmo ay Paris ka muujisay isticmaalka hawadeeda diyaarado milatari oo ku wajahan Mareykanka.
Wararka ayaa sheegaya in Faransiisku uu diiday in hawadiisa loo isticmaalo duulimaadyo la xiriira sahay milatari oo Mareykanku u dirayo lsraa’iiI, arrintaas oo sii kicisay xiisad diblomaasiyadeed oo u dhexeysa labada dal.
lsraa’iiI ayaa ku jawaabtay joojinta heshiisyadii difaaca iyo iskaashigii milatari ee ay la lahayd Faransiiska, iyadoo tallaabadan loo arko mid sii adkaynaysa khilaafka ka taagan gobolka Bariga Dhexe.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergey Lavrov ayaa ka digay xaalad uu sheegay in dunidu u socoto dagaal caalami ah oo weyn, isaga oo tilmaamay in xiisadaha hadda taagan ay leeyihiin calaamado muujinaya in ay isu beddeli karaan isku dhac ballaaran.
Lavrov ayaa sheegay in “waxyaabaha hadda socda ay muujinayaan calaamado sii kordhaya oo halis ah,” isagoo ku tilmaamay in qaar ka mid ah dadka ay durba ku magacaabeen “Dagaalkii 3aad ee Adduunka.”
Iraan oo shaacisay tallaabada ay qaadi donto haddii mar dame la beegsado hogaamiyayaashooda
Ilaalada Kacaanka ee Iiraan ayaa Talaadadii ku dhawaaqay inay bartilmaameedsan doonaan shirkado waaweyn oo tiknoolajiyadeed oo Maraykan ah sida Apple, Google, Meta iyo Tesla, haddii hoggaamiyeyaal kale oo Iiraani ah la “khaarijiyo”.
Ilaalada Kacaanka ayaa bayaan ku sheegay: “Laga bilaabo 8:00 fiidnimo Arbacada, 1-April, shirkadahani waa inay fishaan in laamaha ay leeyihiin la burburin doono khaarijin kasta oo ka dhacda gudaha Iiraan.”
Bayaanku wuxuu sidoo kale lagu xusay liis ka kooban 18 shirkadood oo ay sheegeen inay “ku lug leeyihiin” khaarijinta, isagoo intaa ku daray: “Waxaan kula talineynaa shaqaalaha hay’adahan inay si degdeg ah uga baxaan goobahooda shaqo si ay naftooda u ilaashadaan.”
Dalalka Yurub oo baaq Adag Oo Dhinaca Lubnaan ahu diray Israa’iil
Wasiirrada arrimaha dibadda ee 10 dal oo Yurub ah ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku dalbanayaan in Israel ay ka fogaato inay sii “ballaariso colaadda Lubnaan, iyagoo ka codsaday inay ixtiraamto “midnimada dhuleed” ee dalkaas.
Bayaanku wuxuu cambaareeyay weerarrada Hezbollah ee ka dhanka ah Israel oo lagu taageerayo Iiraan, wuxuuna sheegay inuu taageerayo isla markaana dhiirrigelinayo dowladda Lubnaan inay “soo celiso madaxbannaanideeda” guud ahaan dalka.
Waxa kale oo uu ku baaqay “wadahadal siyaasadeed oo toos ah” oo dhex mara Lubnaan iyo Israel, iyagoo sheegay in dhammaan dhinacyadu ay “si degdeg ah u dejiyan xiisadda.”
Dalalka saxiixay bayaanka waxaa ka mid ah Belgium, Croatia, Qubrus, Fransiiska, Gariiga,Taliyaaniga, Malta, Netherlands,Burtaqiiska, UK, iyo madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Kaja Kallas.
Israel ayaa dirtay ciidamo dhulka ah koonfurta Lubnaan 2-dii Maarso, sidoo kalena waxay wadday weerarro ballaaran oo dalka oo dhan ah. Waxay sheegtay inay isku dayayso inay ilaaliso bulshooyinka ka dhanka ah weerarrada Hezbollah, oo ah koox hubaysan oo ay taageerto Iiraan.
Sida ku cad heshiiskii xabbad-joojinta ee soo afjaray dagaalkii 2024, Hezbollah waxaa la rabay inay hubka dhigto oo ay ka baxdo meelaha ay ka joogto koonfurta.
Rai’sul wasaaraha Canada oo si kulul uga hadlay duullaanka Israa’iil ee Lubnan
Ra’iisul Wasaaraha Kanada Mark Carney ayaa cambaareeyay waxa uu ugu yeeray “Duullaal sharci-darro ah” oo ay Israel ku soo qaaday Lubnaan. Waxa uu ka hadlayay magaalada Quebec, isagoo u sheegay wariyeyaasha: “Waa duulaan sharci-darro ah, waa duullaan lagu duulay Lubnaan, waa xadgudub ku dhan ah madaxbannaanida dhulka ay leeyihiin.”
“Aragtida ficilka ah, dowladda Lubnaan waxay mamnuucday Hezbollah, waxayna isku dayaysaa inay tallaabo ka qaaddo Hezbollah iyo hawlgalladooda argagixiso iyo khatarta ay ku hayaan Israel,” ayuu intaa ku daray. “Taasi waa sababta la sheegayo in loogu duudlay, sidaas darteed waan cambaareyneynaa.”
Arrintan ayaa imanaysa xilli Wasiirka Difaaca Israel Israel Katz uu sheegay in dalka uu sii wadi doono la wareegidda amniga qaybaha koonfureed ee Lubnaan xitaa ka dib marka dagaalka hadda socda ee ay kula jiraan Hezbollah uu dhammaado. Mas’uuliyiinta Israel ayaa sheegaya in ciidamo dhulka loo diray Lubnaan si loo ilaaliyo bulshooyinka waqooyiga Israel ee weerarada Hezbollah.
Tirada dhimashada Lubnaan oo gaartay 1,268
Tirada dhimashada Lubnaan ayaa gaartay 1,268 tan iyo 2-dii Maarso, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Qaranka ee ay dowladdu maamusho.
Iyadoo soo xiganeysa wasaaradda caafimaadka ee dalka, waxay intaas ku dartay in 3,750 kale ay ku dhaawacmeen isla muddadaas.
Israa’iil ayaa tan iyo markii uu dagaalka billowday si joogto ah duqeymo ka wadday Beyruut iyo Koonfurta Lubnaan, iyadoo sheegtay inay beegsanayso goobaha xiriirka la leh kooxda Xisbullah ee ay Iiraan taageerto.
Tan iyo markii ciidamada dhulka ay u soo dhaqaaqeen dalka, Israa’iil ayaa sheegtay in sagaal ka mid ah askarteeda lagu dilay Lubnaan.
Dhanka kale Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Friedrich Merz oo kulan la yeeshay dhiggiisa Suuriya Axmed Sharac ayaa sheegay in ay isla qaateen sidii loo celin lahaa dadka reer Suuriya ee ku sugan gudaha Jarmalka kuwaas oo halkaas tegay xilligii ay jirtay colaaddii Suuriya.
80% dadka reer Suuriya ayaa dalkoodii hooyo dib ugu noqon doona saddexda sano ee soo socota taas oo qayb ka ah soo kabashada dalkaasi uu samaynayo.
Dadkan ayaa u badan kuwa aan sharciga haysan iyo kuwa kale ee doonaya in ay ku noqdaan dalkoodii hooyo.