Wasaaradda Gaashaandhigga ee UK ayaa xaqiijisay in markabkooda dagaalka ee HMS Dragon aanu waxyeello ka soo gaarin kadib markii warar dhawaan ka soo baxay saxaafada Israa’iil ay sheegeen in ururka Xisbullah uu weerar ku qaaday.
Ruushka ayaa sheegay in Mareykanka iyo ISRL looga baahan yahay iney joojiyaan weeraradooda aan masuuliyada lahayn ee ka dhanka ah warshada korontada Nukliyeerka ee Bushehir iyo xarumaha kale ee tamarta Iiraan.
Sida ay ku warrantay wakaaladda Kacaanka ee Fars News IRN ayaa ku gooddisey in ay xidhayso marin-biyoodka Baab Al-mandeb ee Badda-cas, sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in marin-biyoodka kale ee Horumuz keliya la furi doono marka uu Mareykanku bixiyo magdhowga dhammaan khasaaraha gaadhay IRN.
Shiinaha Oo Ruushka ku Cadaadinaya inuu kala Shaqeeyo Xabadd joojin ka Dhacda Bariga dhexe.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Wang Yi uu Axaddii khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Ruushka Sergei Lavrov, isagoo sheegay in Beijing ay diyaar u tahay inay la shaqeyso Ruushka gudaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si loo yareeyo xiisadaha.
Mar uu ka hadlayey xaaladda ka taagan marin-biyoodka Hormuz, Wang wuxuu sheegay in xal waara oo lagu xallin karo dhibaatooyinka maraakiibta ee marin-biyoodkan uu yahay in si degdeg ah loo gaaro “xabbad-joojin” iyo “xal siyaasadeed oo lagu dhammeeyo qalalaasaha gobolka iyada oo loo marayo wadahadallo.”
Wadahadalka telefoonka ayaa yimid ka hor codbixin la filayo toddobaadka soo socda oo Golaha Ammaanka uu ka qaadi doono qaraar ay soo gudbisay Baxrain, kaas oo lagu doonayo in lagu ilaaliyo maraakiibta ganacsiga ee maraya ama ku dhow Hormuz.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa ugu baaqay dhiggiisa Ruushka inuu qaato “hab dhexdhexaad ah oo isu dheellitiran.”
Shiinaha ayaa marar badan ku celceliyay baaqa ku aaddan xabbad-joojin laga sameeyo Gacanka Faaris iyo guud ahaan Bariga Dhexe.
UK oo Sheegtay in ay soo Ridday Diyaaradaha Drones-ka Iiraan.
Ciidanka Cirka ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa soo riday “dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) oo Iiraan leedahay” fiidnimadii caawa, sida ay ku sheegtay Wasaaradda Difaaca ee UK war cusub oo ay soo saartay.
Warbixintu waxay sheegaysaa in diyaaradaha dagaalka ee Typhoon iyo F-35 ay sii wadaan howlgalladooda difaaca ee ka socda Bariga Mediterranean-ka, Urdun, Baxrayn iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo ay taageerayaan diyaaradaha shidaalka ku siiya hawada ee RAF Voyager iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Royal Navy Merlin iyo Wildcat.
Waxaa ay intaasi ku dareyn in “tallaabooyinka ay ciidanku ku ilaalinayaan ay weli marayso heerkii ugu sarreeyay,” isla markaana UK ay “si dhow ula shaqaynayso” saaxiibadeyda gobolka Khaliijka.