Waraysigii Al Jazeera,Ee Xasan Seekh “Somalia Xiriir wey la Yeelan kartaa Israel”

by Heemaaln Heemaaln

Sideebu doonayaa madaxweyne Xasan , inuu ku wajaho go’aankii Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland?

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareysi ay horraantii maanta baahisay Al Jazeera ku xaqiijiyay in waxa ka maqan Soomaaliya iyo Israa’iil uu yahay xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah, balse Israa’iil ay tahay dowlad xubin ka ah Qaramada Midoobay, isla markaana Soomaaliya ay aqbalsan tahay jiritaankeeda dowladnimo.

Suuragalnimada uu madaxweynuhu soo bandhigay ee ah in Soomaaliya xiriir la yeelan karto Israa’iil ayaa sidoo kale marag u noqonaysa in Soomaaliya, waqtigan, aysan gebi ahaanba diiddanayn barnaamijka uu Trump hindisay ee Abraham Accords. Labadan aragti waxay meesha ka saarayaan doodda ay dad badan ku diiddan yihiin aqoonsiga ay Somaliland ka heshay Israa’iil.

Fikradayda, madaxweyne Xasan wuxuu gudbinayaa aragti ah in Israa’iil ay u baahan tahay inay soo marto Muqdisho oo sharciyad haysata. Wallow kulan uu madaxweynuhu toddobaadkan la qaatay xubno siyaasiyiin ah la sheegay in lagu soo bandhigay marxalad hore oo loo soo jeediyay in Soomaaliya ku biirto barnaamijka Abraham Accords—oo ujeeddadiisu tahay in xiriir la yeesho Carabta, dalalka kale ee Islaamka iyo Israa’iil—wuxuu xilligaas sheegay inuu diiday soo jeedintaas. Hase yeeshee, wareysiga uu bixiyay ayaa laga dheehan karay inuu ka soo degay diidmadii hore.

Isla qaabkan dabacsanaanta ah ayuu madaxweynuhu hore ugu wajahay is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland, isagoo qaaday olole diblomaasiyadeed oo ballaaran, kaas oo ugu dambeyn sababay in ra’iisul wasaaraha Itoobiya lagu soo dhaweeyo Muqdisho, isla markaana Turkigu door ka qaatay qaboojinta xiisaddii markaas taagnayd. Si kastaba ha ahaatee, marxaladda hadda taagan, Itoobiya waxay dib u soo cusbooneysiisay mowqif u muuqda mid ka soo horjeeda danaha Soomaaliya, inkastoo aysan si cad u shaacin mowqifkeeda. Hase yeeshee, ilo ku dhow Addis Ababa ayaa sheegaya in Itoobiya aysan ka soo horjeesan doonin Israa’iil, arrintaas oo lala xiriiriyay in Israa’iil ay hore olole ugu jirtay inay soo jiidato dalalka Geeska Afrika ka hor inta aysan ku dhawaaqin aqoonsiga Somaliland. Sidoo kale, Israa’iil ayaa Addis Ababa u soo bandhigtay ka-qaybgal qorshayaal amni oo la xiriira Qasa, kuwaas oo ay ku jiri karto in halkaas la geeyo ciidamo ka socda Itoobiya—arrin siin karta Itoobiya, gaar ahaan Abiy Axmed, miisaan diblomaasiyadeed iyo marin ay ugu dhowaan karto maamulka Washington.

Isku-day kasta oo Muqdisho ku raadinayso in la helo hab hoos loogu dhigo dhaqdhaqaaqa Israa’iil, iyadoo la marayo waddo lagu xakameeyo ama lagula xiriiro, ma aha mid fudud. Waxaa hor taagan caqabado ay ka mid tahay: ma heli kartaa Soomaaliya wax ka wanaagsan waxyaabaha ay Somaliland u soo bandhigtay Israa’iil? Kaarka ugu weyn ee Muqdisho, waa in is afgaradyada lala gaaro uu helayo sharciyad. Dalal sida Morocco ayaa u maray inay caqabadahooda ku xalliyaan barnaamijka Abraham Accords, waxay ku biirista barnaamijkan Morocco ku heshay in la gobolka Saxaraha Galbeed loo aqoonsado is maamul ka tirsan dawladda Morocco , taa oo meesha looga saaray madax bannaanidii ay raadinayeen Polisario, halka Suudaan oo xulafo lahayd Sacuudiga iyo dalalka hadda ku jira dadaalka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya lagu taageerrayo ay ku qancisay xulafadaa inay u oggolaadaan xiriir lala sameeyo Israa’iil, markaa oo Suudaan ay oggolaatay ku biirista Abraham Accords, wallow dagaallada socda ay meesha ka saareen dhaqangelinta heshiiska, markaa Khartuum, waxay u arkeysa xalka dhibaatada ay wajahayso inuu ku jiro xiriir lala sameeyo Israa’iil. Laakin haddii mowqif dalalkan la mid ah ay qaadato Muqdisho, iyana waxay leedahay la is waydiiyo xalku ma wuxuu ku dhammaananaya oggolaashaha Israa’iil iyo waxaa maxay doodda lagu qancinayo bulshada Somaliland?

Muddo toddobaad ku dhow, tan iyo markii go’aanka Israa’iil uu soo baxay , ma jirin siyaasad maxalli ah iyo aragti lagu wajahayo oo madaxweyne Xasan uu soo bandhigay, dadaallada uu waddo illaa hadda waa cambaarenta caalamiga ah ee lagu taageerray midnimada Soomaaliya , taa beddelkeeda mucaaradka iyo xubno bulshada ka mid ah ayaa saluugsan habka Villa Somalia ay ku wajahayso marxaladan, illaa xubno mucaaradka ka mid ah ay sheegeen in kulanka ay la qaateen madaxweyne Xasan , uusan muujin wax walaac ah , waxna ka beddelin mowqifkiisa arrimaha dhalinayay khilaafka gudaha oo hubaanti la’aanta doorashada heshiis laga gaaro ay ugu horreyso. Taa beddelkeeda, madaxweynaha Somaliland , Cabdiraxmaan Cirro wuxuu dadweynaha la wadaagay inay jiraan dalal kale oo ku biiraya Israa’iil, kuwaasoo aqoonsanaya Somaliland.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan ayaa wareysiga Al Jazeera ku sheegay inuu helay xog sirdoon oo xaqiijinaysa in Somaliland ay aqoonsiga ku heshay markii ay oggolaatay saddex arrimood: tan koowaad waa dib-u-dejinta Falastiiniyiinta ee Somaliland; tan labaad waa in Israa’iil la siiyo saldhig militari oo ku yaalla xeebta Gacanka Cadmeed; tan saddexaadna waa ku biirista Somaliland ee Heshiisyada Abraham. Kuwani waa saddexda dalab ee Israa’iil, kuwaas oo uu sheegay in Somaliland aqbashay.

Markii la weydiiyay waxa dhici kara haddii saddexdan dalab la dhaqan geliyo, wuxuu ku jawaabay: “Sanduuqii Pandora ayaa dunida lagu furi doonaa,” taas oo la macno ah in dhibaato aan dhammaad lahayn la gelayo—mid aan dhinacna faa’iido u lahayn.

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.