Warbaahinta ka Howlgasha Israel oo Amar Adag lagu soo Rogay

Warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegtay in Israel Defense Forces ay soo saareen xeerar cusub oo lagu xakameynayo warbaahinta ka howlgasha gudaha Israel, kuwaas oo si gaar ah ula xiriira tabinta weerarrada gantaallada ee ka imanaya Iran.

Sida ay werisay BBC Persian, warbaahinta gudaha Israa’iil ayaa laga mamnuucay inay muuqaallo ka duubaan magaalada Tel Aviv iyo magaalooyin kale oo ay ka dhaceen weerarro. Sidoo kale, waxaa la faray inaysan sameyn karin tabin toos ah inta ay weerarradu socdaan, isla markaana aan la baahin karin muuqaallada goobaha ay gantaalladu ku dhaceen.

Go’aankan cusub ayaa la sheegay in uu qayb ka yahay dadaallada ay ciidamada Israa’iil ku doonayaan inay xakameeyaan macluumaadka ka baxaya gudaha dalka, gaar ahaan sawirrada iyo muuqaallada muujinaya burburka ka dhasha weerarrada. Saraakiisha amniga ayaa ka digay in baahinta muuqaallada noocan oo kale ah ay siin karto dhinacyada weerarka wada macluumaad ku saabsan goobaha ay gantaalladu ku dhaceen iyo heerka khasaaraha.

Dhanka kale, warbaahinta qaar iyo falanqeeyayaal ayaa sheegay in tallaabadan ay sidoo kale ujeedadeedu tahay in la yareeyo saameynta maskaxeed iyo mid siyaasadeed ee ay bulshada Israa’iil ku yeelan karaan muuqaalada burburka iyo khasaaraha ka dhasha weerarrada iyo qarinta burburka ay geystaan gantaalada Iran.

Xiisadda u dhexeysa Iran iyo Israel ayaa maalmahan sii kordheysa, iyadoo labada dhinac ay isku eedeeyeen weerarro iyo falal militari oo is daba joog ah, taasoo kor u qaadday walaaca laga qabo in khilaafka uu isu beddelo dagaal ballaaran oo ka dhaca Bariga Dhexe.

Related posts

Madaxweynaha Colombia Oo Ugu Baaqay Trump inuu ka Fogaado R/Wasaraha Israa’iil Netanyahu.

Dawlada Jabuuti Oo Taageero u Muujisey Imaaraadka Carabta, ka dib Wada-hadal dhexmaray

Iiraan Oo Caawa Gubtay Dhismaha Marina Tower ee Dubai oo ka kooban 90 Dabaq oo Gubanaya