Wasiir Fiqi: “Ma Wadahadal ayay u Socdaan Mise Dagaal & Dhoola-tus ciidan”

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Difaaca Somalia ayaa ka jawaabay eedeynta uga timid maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubaland oo sheegay in ciidamadooda laga soo celiyay hawada magaalada Muqdisho.

Qoraal uu bartiisa soo dhigay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayuu ku dhaleeceeyay ciidamada ka socday labada maamul.

Puntland iyo Jubaland oo maanta hadlay ayaa sheegay in ciidamo iyo ilaalo horudhac u ahaa madaxdooda ka qeyb gali lahayd shirka wadatashiga ee uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya laga soo celiyay hawada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in amnigooda ay sugeyso dowladda Soomaaliya si la mid ah amniga madaxda caalamka.

HOOS KA DAALACO QORAALKA WASIIR FIQI

Marka ay Adis Ababa, Nairobi iyo Dubai sida dhuumaalysiga ah ay ugu safrayaan ayagoo boorsooyin wata ayay u safraan, safafka immigrationka ayay galaan, marka ay caasimadooda u soo safrayaana sidii niman dagaalkii u dambeeyey u socda oo kale ayay isku soo hubaynayaan.

Ma wadahadal ayay u socdaan mise dagaal, mise dhoola-tus ciidan oo ah fariin ay u dirayaan kuwa kale.

Amniga madaxda caalamka ee Muqdisho soo booqanaya dawladda Soomaaliya ayaa sugta, wayna isku aaminaan, madaxda Soomaaliyeedna mudnaan gaar ah ayay leeyihiin, ma jirto wax ururo ciidan ah la soo safriyo ayadoo ciidamadii qaranka ee mas’uuliyadda amnigu saarnayd ay joogaan.

Muuqaalka hubaysan ee aan qurxoonayn iyo in ciidamo wax ay yihiin aan la garanayn in la keensado hoteelada garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho oo ah meel xasaasi ah oo ay deggan yihiin safaaradaha waaweyn ayna ku yaallaan goobo muhiim ma ahan wax ay ku gar helayaan l Deni iyo Madoobe.

Ciidamada la soo luggoynayo Buuraha Calmiskaad iyo hareeraha Kismaayo in lagu xoreeyo ayaa ka mudan in film jilid loo soo wato.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.