Wasiir Fiqi Oo Beeniyay In Diyaaradaha F-16 ay Leedahay Dawlada Somaliya Oo Uu Shalay Sheegay

by Heemaal
0 minutes read
A+A-
Reset

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay iyadu lahayn diyaaradaha F-16 ee maalmihii u dambeeyay lagu arkay hawada Muqdisho, balse ay leedahay Dawladda Turkigu.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in qalad loo fahmay hadal uu shalay jeediyay, kaas oo ahaa in Soomaaliya leedahay diyaaradahaas.

Hadalka Wasiirka ayaa u muuqda mid lagu beeninayo sheegashooyin ay warbaahinta mariyeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliya, kuwaas oo ku faanay in Dawladda Federaalka ay soo iibsatay diyaaradahaas.

Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in Turkigu iska leeyahay diyaaradaha dagaalka ee F-16.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.