Wasiir Fiqi Oo Magaalada Dooxa kaga Qayb-galay Shirweynaha Caalamiga ah ee Difaaca Badda.(Sawiro)

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Dooxa ee dalka Qatar, ayaa maanta ka qaybgalay furitaanka Bandhigga iyo Shirweynaha Caalamiga ah ee Difaaca Badda ee Dooxa 2026, kaas oo si rasmi ah u daah-furay Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamiim bin Xamad Aal Thaani.

Inta uu ku sugan yahay dalka Qatar, Wasiir Fiqi ayaa saxiixi doona heshiis iskaashi difaac oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar.

Bandhigga Dooxa 2026, oo ka mid ah munaasabadaha caalamiga ah ee ugu waaweyn ee difaaca badda, ayaa lagu soo bandhigayaa teknoolojiyado casri ah iyo qalab milatari, waxaana ka qaybgalka Wasiirka Gaashaandhigga uu muujinayaa dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso awoodda ciidamada iyo ballaarinta iskaashiga difaac iyo amni ee caalamka.

Kulanka Wasiirka waxaa ku wehliya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidamada Badda iyo Ilaalada Xeebaha, S/Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga, Taliska CXD iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.